Garoowe(Xogsoormedia.com):- Ciidan ka tirsan ciidanka booliska Puntland gaar ahaan ciidanka la dagaalanka Argagixisada ee sida gaarka ah u tababaran oo maanta ka tegay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa la wareegay oo qabsaday Baanka dhexe ee Maagul goboleedka Puntland ee Garoowe iyo Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee isla magaaladaas ka dib markii ay mushar la,aan ahaayeen muddo 7 bilood ah.
Ciidamada booliska gaarka u tababaran ee Puntland ee loo yaqaano PAI, ayaa qabsaday xarumo muhiim ah oo dowladdu ku leedahay magaalada Garoowe, kadib cabasho ay muujinayeen bilihii ugu dambeeyay oo aanay wax mushaar ah ciidankaasi qaadan.
Ciidanka ayaa la wareegay gacan ku haynta Bangiga iyo wasaaradda maaliyadda ee caasumadda Puntland, iyagoo dalbaday in wax laga qabto baahiyahooda iyo xuquuqda ka maqan.
Waxay raadinayaan sida u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan PAI warbaahinta , mushar ka maqan 7 bilood iyo sidoo kale in loo daryeelo ciidamo ka tirsan oo ku dhaawacmay dagaalkii sannadkan horraantiisii ay la galeen mallayshiyaadkii kusoo duulay Puntland.
Dhaawaca oo qaybtooda loo qaaday dalka dibadiisa ayay sheegeen inay dayacanyihiin islamarkaana ayaanay jirin wax taakulo ah oo dowladdu siisay, marka laga yimaado ehelkooda oo la taacaalaya, halka kuwo kale ku dhibaataysanyihiin gudaha Puntland
Waxaa socda dadaallo lagu doonayo in lagu qanciyo ciidamada gadoodsan, balse waxay shuruud ka dhigteen in aanay ka tagi doonin goobahan illaa laga fuliyo dalabkooda.
Madaxda Puntland, ayaa dedaal ugu jirta sidii arrintan loo xallin lahaa, waxaana saraakiil ka tirsan laamaha ammaanku oo ay soo direen wadaan dedaallo ku aadan qancinta ciidankan, balse way ku gacan saydheen xalka ay wadaan.
Ciidanka gadooday ayaa maanta ka yimi magaalada Galkacyo iyagoo qayb ka ahaa howlgallo halkaas ka socday.
PIA-da oo ka mid ah cududaha ugu muhiimsan ee ciidamada Puntland, ayaa tiradoodu gaaraysaa 140 Askari oo qaba tababar khaas ah, waxaana hore taageero u siin jirtay dowladda Maraykanka inkastoo ay joogsatahay sannad ka hor, balse wixii waqtigaas ka dambeeyay, waxaa gacanta ku hayay dowladda.
Arrintan ayaa ku soo begantay xilli ay shaqaalaha laamaha Dawladda ee Maamulka Puntland aanay muddo wax mushahar ah qaadan isla markaana ay ka canayaan mushahar la’aan muddo soo taxnayd.
Hore ayay Ciidammo ka tirsan booliska Puntland oo uu hoggaaminayay Taliye ku-xigeenkii booliska Puntland uga goosteen Maamulkaas isla markaana ay sheegeen in ay mushahar la,aan uga tageen Ciidanka iyadoo dagaal ka dhex qarxi gaadhay gudaha ciidanka Puntland.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland