Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Waraysi Gaar Ah Kaga Hadlay Shirka Golaha Dhexe Ee WADDANI’ Shaqaaqada Ceel Afweyn Wada Hadaladii U Socday Isbahaysigii KULMIYE Ka Baxay iyo Arrimo Kale

0
403

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland  Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayaa baaq nabadeed ee markale maanta(shalay) shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka Sincarro ee Degmada Ceel Afweyn,waxaanu ugu baaqay in ay ixtiraamaan dhaartii ay mareen iyo go’aamadii nabadeed ee laga gaadhay dhibaatadii dhacday.

Waxaa kale oo uu Xukuumadda ugu baaqay in ay fuliso Go’aamaddii laga soo saaray Ceel Afwayn oo uu sheegay in aanay dhanka Xukuumadda ka fulin.

ciro1

Waxaa kale oo uu ka hadlay shirka golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI  oo uu sheegay in tartan xalaal ah oo loo siman yahay in  musharixiintu ay ku tartamayaan.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay shabakadda wararka ee Xogsoormedia.com

Ugu horrayn  Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed  Cabdilaahi Cirro oo ka hadlayay shaqaaqada ka soo cusboonaatay. “Runtii warkaasi waa war naxdin leh iyo dhibaato aan loo baahnayn oo dhacday waxaanan tacsi u diraa dadka shaqaaqadaa ku dhintay oo aan Alle uga baryayaa in uu u naxariisto inta dhaawaca ahna alle inoo bogsiiyo, labada beloodna waxaan ugu baaqayaa in ay naad ku wada noolaadaan oo ay tixgaliyaan dhaartii ay mareen. Sidii nabad waarta labada beelood ee walaalaha ah looga dhex dhalin lahaa waa laga wada hawl galay oo waa la isgu tegay Dawlad ,culimo iyo madaxdhaqameedba  oo haldoorka Somaliland uma kala hadhin hadday Xukuumad tahay iyo hadday bulshada waxgadakeeda tahayba, G’aammo wax ku ool ah oo lagu nabadaynayona waa laga soo saaray laakiin waxaa soo baxday in go’aamadii aan la fulin  sababtoo ah go’aamada waxaa ku jirtay in aan la arag cid hub sidata laakiin waa taa mar kale ay maanta wax dheceen taasina waxay caddaynaysaa in Xukuumaddu ay ka gaabisay in ay kulaan go’aamadii laga soo saaray halkaas. Ciidamadda qaranka iyo booliskaba waan ku bogaadimayaa hawsha ay halkaa ka qabteen iyo sida ay uga hor tageen n qasaare halkaa ka dhaco waanay ku amaanan yihiin. Laakiin Xukuumadda waxaan u soo jeedinaynaa in ay fuliso go’aamadii nabadeed ee Ceel Afwayn laga soo saaray.”

Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay halkuu ku dambeeyay wada hadalkii u socday Xisbiga WADDANI iyo  garabkii KULMIYE ka baxay,ayaa yidhi.”Wada hadalkaasi wuu noo socdaa meel wanaagsanna wuu marayaa dhawaanna waxaan rejaynayaa in uu guul ku dhammaan doono oo aanu soo gunaanadi doono wax aanu isku diidan nahayna ma jirto.”

Guddoomiya oo ka jawaabayay Su’aal laga waydiiyay tartanka Musharixiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo kuxigeenka ee Xisbiga WADDANI iyo sida ay tartamayaashu caddaalad uga dhex Tartami karaan shirka Golaha dhexe ee WADDANI,ayaa yidhi. “Dhawaan ayuu qabsoomayaa shirka Golaha Dhexe ee Xisbigu musharixiintuna xaq bay u leeyihiin in ay tartamaan qof kasta oo Xisbiga ka tirsan oo buuxiya shuruucda Xisbiga uga yaalla musharixiintu xaq buu u leeyahay in uu tartamo waanu tartami karaa qof la qasbayaana ma jiro waana la isu tanaasuli karaa waana la wada tartami karaa markaa Tartanku wuu furan yahay.”

Su’aal: Musharixiinta Madaxweyne ku-xigeenku way badan yihiin markaa ma kuu siman yihiin mise musharax aad gaar u wadato ayaa jira. ?  Jawaab. “Musharixiin  badan oo ku dhawaaqay in ay tartamayaan way jiraan kuwo kalena way ku dhawaaqi karaan oo way shaacin karaan hankooda musharaxnimo ee Madaxweyne iyo Ku-xigeenba Xisbiguna waa Dimuquraadi oo  waa la tartamayaa  cid gaar u calaamadsanima ma jirto waanay ii wada siman yihiin dhammaan musharixiintu.”

Su’aal:Guddoomiye inta badan waxaa la yidhaahdaa Xisbiga WADDANI kama jawaabo hadalada deel qaafka ku ah Somaliland ee ka soo yeedha Madaxda Soomaaliya arrintaa maxaad ka leeadahay?

“Aasaaska Xisbiga WADDANI iyo shuruucda uu ku dhisan yahay waa sal u ah dastuurka qaranka iyo xeerarka Xisbiga kuwaasina waxay si cad u caddaynayaan qaranimada iyo Madaxbannaaniada Somaliland mar kasta oo Soomaaliya wax inagu deel qaaf ahi ay inagaga yimaadaana waanu ka hadalnaa waanan ka hadli doonaa waxaanan u taaganahay difaaca jiritaanka iyo madaxbannaaniada Jamhuuriyadda Somaliland wax kasta oo lid ku ah na waanu ka soo hirjeednaa waanan  ka difaacaynaa cid aanu uga habranayno ilaalinta iyo difaacidda jiritaanka qaranimada Somaliland-na ma jirto” ayuu Yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo Waraysi gaar ah siiyay shabakadda Wararka ee Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland