W/Wararka(Xogsoormedia.com):- Ugu yaraan 29 qof ayaa dhintay tobanaan qof oo kalena waa la la’yahay kaddib markii sida la sheegay ay xeebaha dalka Masar ay ku degtay doon ay saarnaayeen ku dhawaad 600 oo qof oo muhaajiriin
Masuuliyiinta dalka Masar ee Gurmadka deg degga ah ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen 150 walina ay baadi goob ugu jiraan in ay helaan dad kale oo nool
Doonta ayaa ku degtay xeebta magaalada dekadda ah ee of Rosetta, waxaana wali soo baxaya macluumaad ku saabsan shilkan masiibada ah .
Mid ka mid ah shaqaalaha gurmadka caafimaadka ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in inta badan dadka dhintay ay yihiin Afrikaan.
Wali ma cadda halka ay doontu ku socotay, balse wararka qaar ayaa sheegaya inay u .socotay dhanka dalka Talyaaniga
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland