Ceel-Afweyn(Xogsoormedia.com):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon) ayaa sheegay in madaxda qaranka eek u sugan degmada Ceel-Afwayn in ay u joogaan nabadaynta labada beelood ee walaalaha ah isla markaana ay ka go,an tahay ka dawlad ahaan in at tallaabo la qaadaan cid kasta oo nabadda ka hor timaadda.
Waxaanu digniin u diray cid kasta oo isku dayda in ay nabad gelyada wax yeelayso ama goobaha shaqaaqooyinku ka dheceen ee ciidanku ku sugan yihiin isku daya in ay hub la tagaan.
Waxaa kale oo uu sheegay in xaaladdu imika degen tahay wax dambena aanay dhicin oo weftiga Dawladda,Madaxdhaqameedka iyo Culimada ku sugani ay gacanta ku hayaan arrinta goobaha oo dhanna ciidanku ay degen yihiin.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sidaa ku sheegay waraysi uu khadka tilifoonka ku siiyay wargeyska Dawan isago ku sugan degmada Ceel Afwayn oo Gobolka Sanaag. Ugu horrayn Wasiir Faratoon o ka jawaayay su’aal laga waydiiyay sid ay imika xaalada guud tahay iyo waxa ka jira warar sheegaya in beelihii dagaalamay ay gaadid qoryo saareen oo isku weerareen,ayaa yidhi. “isku dayo ay sameeyeen iyo rasaas la isku ridayba way jirtay laakiin wax qasaare ahi kama dhalan markiibana waxaa goobta gaadhay oo u dhawaa ciidamada qaranka iyo booliska oo deegaanka gacanta ku haya, guud ahaan deegaanadii shaqaaqadu labada beelood ku dhex martayna way ka reebban yihiin in hub lagu arko markaa xaaladu way degen tahay tikniko la isku weerarayna ma jirto ciidankuna ammaanka gacanta ayuu ku hayaa.”
Wasiirka oo ka hadlayay halka ay wax u marayaan iyo sida ay ugu socoto hawsha nabadayntu,ayaa yidhi. “Meel wanaagsan ayay noo maraysaa waxaanan ku hawlanahay sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa deegaankan iyo labada beelood ee walaalaha ahba taasina wax maalin iyo laba ku dhamaanaysa maaha,waxaanan uga digayaa cid kasta oo nabad gelyada isku dayda in ay carqalaydayso in tallaabo laga qaadayo anagu (Wasiirka iyo weftiga la jooga) halkan waxaanu u joognaa waa nabad cid kasta oo nabad gelyad lid ku ahna tallaabo ayaanu ka qaadaynaa,go,aamana way ka soo baxayaan waana mamnuuc in lagu arko deegaanadan cid hubaysan. Haddlo ayaanu maq maqlaynaa laakiin cidna ugu dul qaadan mayno in ay nabad gelyada waxyeelayso.”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland
Xigasho Wargeyska Dawan.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland