W/wararka (Xogsoormedia.com):- Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa sheegtay in doorashada Soomaaliya ee la filayo in ay dhawaan ka qabsoonto Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho in ay dagaal ka xigaan isla markaana ay dhiig badan ku daadin doonaan.
Afhayeenka Guud ee Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere), ayaa sheegay in Doorashooyinka go’aanka uga yaalla Al-Shabaab in uu yahay Dil iyo Dagaal, isagoo digniin u diray odayaasha dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka cusub.
“Go’aanka nooga dagsan doorashadaas waa dil iyo dagaal, waa qorshe dowladaha shisheeye soo agaasimeen oo laga leeyahay hadaf Gumeysi oo Dano-gaar ah laga leeyahay,” ayuu yidhi Sheekh Cali Dheere.
Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab waxaa kale o uu digniin u diray odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee bedeli doona xildhibaanada hadda fadhiya oo uu ku adkeeyay in ay ka dheeraadaan haddii ay hadalka Al-Shabaab u hoggaansami waayaanna waxaa uu sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland