Madaxweyne Siilaanyo Oo Digreeto Ku Magacaabay Gudiga Sare Ee Jaamacadda Hargeysa

0
278

Hargaysa (Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo,ayaa digreeto Madaxweyne ku magacaabay Gudiga sare ee Jaamacadda Hargeysa,Gudiga sare ee Jaamacadda Hargeysa Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay ayaa isugu jira madaxda dawladda ka tirsan xubno ka socda ururada bulshada ganacsato iyo madaxdhaqameed.

Digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4264/092016 tahay ku magacaabay Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa) oo ka kooban 11-xubnood. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu dhaqangeliyey oo uu saxeexay wax ka bedelka iyo kaabista ay Jaamacada Hargeysi ku samaysay xeerka Jaamacada.,ayaa u dhignayd sidan.

silanayo1786610484

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa u leedahay dhismaha Qaranka;

Markuu Ku Qancay: In la beddelo Guddidii hore ee muddada dheer soo shaqaynaysay;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo Magacaabidda Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa);

Wuxuu go’aansaday;

In uu magacaabo Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa) oo ka kooban 11-xubnood oo faahfaahintoodu hoos ku xusan tahay:

Mudane, Cabdi-samad Cumar Maal Garyaqaanka Guud (Guddoomiyaha Guddida).

Nafiisa Yuusuf Aw Muxumed Negaad (Guddoomiye Ku-xigeen Guddida).

Abdillaahi Ibraahin Habane Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare.

Cali Cabdillaahi Daahir Madaxa ICT Commission-ka.

Liibaan Ismaaciil Maxamuud Guddida Xuquuqal Iinsaanka.

Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Duqa Caasimadda Hargeysa.

Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa.

Maxamed Faarax Xirsi Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta.

Cabdirashiid Maxamed Siciid Ganacsatada.

Cabdikariin Maxamed Iid Ganacsatada.

Suldaan Axmed Daahir Muuse Culimada.

Guddidu waxay xilkooda u gudan doonaan si waafaqsan Shuruucda Dalka iyo Xeerka Jaamacadda Hargeysa.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland