Mersin(Xogsoormedia.com):- Xukuumadda Turkiga ayaa sheegtay inay mucaawino gaadhaysa shan kun oo ton, soo gaadhsiin doonto shacabka Somaliland, isla markaana markabkii siday ka soo shiraacday magaalada Mersin ee dalkaas.
Sida lagu faafiyey mareegta internet-ka ee xafiiska qunsuliyadda Turkigu ku leeyahay Somaliland oo lagu sheegay in kaalmadan oo u badan sonkor iyo daqiiq iyo noocyada kale cuntooyinka la gaadhsiin doono dhammaan gobollada Somaliland.
Markabkan oo sida deeq mucaawino gaadhaysa 11 kun ton ayaa la sheegay in loogu tallo-galay wadamadda Somaliland iyo Itoobiya, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow xafiiska qunsulka Turkiga ee Somaliland.Warku waxa uu intaas ku daray in qeybinta deeqdaa masuul ka noqon doonto xukuumadda Somaliland.
Dhinaca kale, hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa la weriyay inay xoolo gaadhaya 200 neef lo’a ah ku qaleen magaalada Hargeysa oo la gaadh siiyay qoysas danyar ah oo gaadhaya saddex kun iyo afar boqol. Iyadoo qoys walba la siiyay shan kiiloo oo hilib ah.
Deeqdan mucaawinada raashinka ee dalka Turkigu ugu tallo-galay shacabka Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli bilo horteed qunsulka Turkiga u fadhiya Somaliland Mr. Muzaffer Yuksel, sheegay in dalkiisu dib u habayn ku sameeyey siyaasadoodii iskaashiga Somaliland isla markaana mashaariic kala duwan ka hirgelin doonaan oo ay ka mid yihiin dhismayaal, waddooyin iyo xarumo caafimaad, loona baahan yahay in shacabku samir u yeeshaan inta mashaariicdaasi hirgelayaan.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland