Madaxda Heer Gobol iyo Degmo Ee Gobolka Hawd Oo Go’aamiyay Tallaabo Deegaan

0
333

Baligubadle (Xogsoormedia.com):- Madaxda heer degmo iyo gobo lee gobolka Hawd,ayaa go,aamiyay iskuna raacay go,aan wax lagaga qabanayo iska oodashada dhulka iyo seerayaasha sharci darada ah

Badhasaabka gobolka Hawd Ibraahin Cali Xasan ayaa kulan ballaadhan la yeeshay Maayirada degmooyinka hoos yimaada gobolka Haw, kaasi oo lagaga wada-hadlay sidii loo tir-tiri lahaa seerayaasha gobolka Hawd.

Badhasaabka Gobolka Hawd.JPG5

Shirkani oo uu shir  gudoominaayay  badhasaabka gobolka Hawd Ibraahin Cali Xasan ayaa ujeedadiisu aheyd sidii meel looga soo wada jeesan lahaa dhulka sida sharcidarada ah loo ootay ee loo yaqaano seerayaasha, kuwaasi oo saamayn ba’an ku haya dhaqashada xoolaha.

Cabdikariin Maxamed Xaaji oo ka mid ah masuuliyiinta gobolka Hawd, ayaa ugu horrayn hallkaasi ka akhriyay go’aamadii ka soo baxay shirkaasi waxaanu yidhi ‘’in bil kasta khamiista u danbeysa loo mudeeyo inuu qabsoomo shirkii gobolku, maada gobolkani ku yaalo meel xuduuda, waxaa leys  la gartay in kor loo qaado xidhiidhka gobolkani la leeyahay gobolka Faafan, waxaana leysla qaatay in tobanka bisha tobnaad, laga bilaabayo olole cagta lagu marinaayo oo lagu tir-tiraayo seerayaasha loona ogolaan doono laba mitir oo kaliya’’

Guddoomiyaha degmada Balicabane Axmed Cabdilaahi Ibraahin oo isaguna madashaasii ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan go’aamada shirka ka soo baxay ee seero baneynta, waxaanu yidihi ‘’waxaanu taageereynaa in bisha tobankeeda cidii aanu ku aragno beer oodan oo aanu gubin sida ay Itoobiya u gubtay waxaanu ka qaadeynaa talaabo sharciga waafaqsan oo arrimihiisa la xidhiidha’’

Maayirka golaha deegaanka ee Baligubadle Cabdi Iimaan Jaamac oo isaguna madashaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi ‘’25 cisho gudahood oo ah bisha tobnaad tobankeeda yaan cidna loogu iman beer oodan oo qof waliba xil heyska saaro sidii uu beertiisa u baneyn lahaa ee uu ugu hogaansami lahaa awaamiirtaa iyo go’aamada la soo saaray’’

Taliyaha qaybta ciidanka booliska ee gobolka Hawd Gaashaanle dhexe Axmed Cabdilaahi Cabdi oo isaguna madashaasi ka Hadley ayaa soo dhaweeyay go’aanadan leysla qaatay .

Badhasaabka gobolka Hawd Ibraahin Cali Xasan oo shirkaasi soo afmeeray ayaa sheegay inay raacayaan Digreetadii uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland waxaanu yidhi ‘’digreetadii Madaxweynaha Somaliland ayaanu raacaynaa ee aheyd in seeraha la baabiiyo, Hay’adaha fulinta ee ay arintani khuseyso sida wasaarada arrimaha gudaha, wasaarada xanaanada iyo ta deegaanka  oo arrintani si gaara u khuseyso hanaga taageeraan arrintan lagu baneynaayo seeraha’’

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland