Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Dalalka Somaliland ka taageera dhaqaalaha arrimaha doorashooyinka,ayaa jawaab ka bixiyay go,aankii Madaxweynaha Somaliland ku kala qaaday doorashooyinka Wakiiladda iyo Madaxtooyada.
War murtiyeed ay kaga jawaabayaan go,aanka madaxweyne Siilaanyo ee lagu kala qaaday doorashooyinka Wakiiladda iyo Madaxtooyada ayay ku sheegeen sida ay uga walaacsan yihiin go,aanka Madaxweyne Siilaanyo ku kala reebay iyo dib u dhaca dib loogu dhigay doorashada golaha wakiiladda.
War-murtiyeedka ay soo saareen taageerayaasha doorashooyinka Somaliland oo luuqada ingilriisga ku qornayd ayay turjumaddeedu tahay sidan. “Beesha caalamku waxay walaac xoogan ka muujinaysaa go,aanka madaxweynaha somaliland dib ugu dhigay doorashada golaha wakiilada ee ahayd in la qabto 27-ka bisha Markch, idb u dhacan aan daruuriga ahayni waxa uu dhaawici doonaa kalsoonida ay beesha caalamku ku qabto somaliland, nidaamka dimuqraadiyadee iyo wada shaqaynta somaliland iyo beesha Caalamka.
Dib u dhaca doorashada wakiilada waxa la shaaciyey iyada oo aan loo hayn dariiqo sharci ah oo ku salaysan dastuurka qaranka iyo go,aankii gudoomiyaha maxkamada sare ee ahaa in mar la wada qabto labada doorasho bisha March, iyada oo shacabka somaliland isku diwaan geliyeen inay labada doorasho u wada codeeyaan isla markaana tijaabiyaan habka labada doorasho mar loogu wada codayn karo.
Beesha caalamku waxay samaysay taageeradii looga baahnaa ee ay doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiiladu wakhtigoodii ugu dhici lahaayeen iyada oo ay si buuxda u soo dhamaatay diwaan gelinta codbixiyayaasha taas oo si cad u qeexaysa in doorashadu ku dhacdo 2017, taas oo aan la soo bandhigi Karin wax isbadal ah oo ku yimaada.
Qaadhaan bixiyayaashu waxay maal gelin ku sameeyeen hanaanka loogu diyaar garoobayo doorashooyinka mana doonayaan inay arkaan dib u dhac xidhiidh ah oo yimaada, beesha caalamkuna ma awoodayso inay bixiso kharashka dheeraadka ah ee ka imanaya go,aanka dib loogu dhigay doorashada wakiilada, balse waxa uu noqon doonaa mid ku dhaca bulshada somaliland.
Beesha caalamku waxay isku raacday in dib u heshiisiinta somaliland ay tahay ujeedo muhiim ah, waxaanan u soo jeedinay madaxweynaha inuu go,aan ka gaadho saami qaybsiga kuraasta si loo gaadho cadaalada kuraasta iyo dadka somaliland oo dhami ka qayb galaan doorashada baarlamaanka.
Dib habaynta Saamiga kuraasta baarlamaanka iyo nidaamka dib u heshiisiintu waxa uu dhici karaa wakhtiga u hadhay mudada baarlamaanka sidaas darteed waxaanu madaxweynaha somaliland u soo jeedinaynaa inuu dib ugu noqdo go,aankaas si ay labada doorasho ee madaxtooyada iyo baarlamaanku mar u wada dhacaan.
warmurtiyeedka qaadhaan bixiyeyaasha isagoo ingiriisi ah halkan ka dheeho
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland