Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddiga Doorashooyinka qaranka,ayaa waxba kama jiraan iyo sharci darro ku tilmaamay guddi ay shaacisay in ay samaysay Dallada SONSAF kuna sheegtay in gudidaasi ay ka shaqayn doonto wixii cabashooyin iyo khilaafaad ah ee ka yimaadda arrimaha doorashooyinka Somaliland.
War-saxaafadeed uu soo saaray gudiga Doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa intaa ku daray in cidda qudha ee u igman in ay ka hadlaan ama ka garnaqaan wixii khilaafaad iyo cabashooyin ah ee ka soo baxa arrimaha doorashooyinku in ay yihiin Gudioga doorashooyinka qaranka sida ku cad sida ku cad qodob ka 14 farqadiisa 7aad ee xeerka(xeerLR.20-2001.
Waxaanay uga digeen Dallada Sonsaf in ay sheegato awood aanay lahayn iyo in ay shaacisso guddi aan sharci ahayn jiritaankeeda.
War-saxaafadeedka komshanka Doorashooyinka qaranka Somaliland ka soo baxay oo dhamaystiran,ayaa u dhignaa sidan.
Gudida doorashooyinka qaranka waxa uu halkan ku cadaynayaa in gudida loogu magac daray gudida xalinta khilafaadka doorashooyinka ee ay ku dhawaaqeen dalada ururada aan dawliga ahayn ee loo soo gaabiyo magacooda Sonsaf,sida ku soo baxday warbaahinta kala duwan tariikhdiu markii ay ahayd 08/09/2016 aanay ahayn mid ku dhisan sharci.
Komiishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu si cad u qayaxayaa inaanay sonsof lahayn awood sharciyadeed(Maandhayt)oo ay ku abuuri karto gudi xalisa khilaafkaad doorashooyinka,cidda kaliya ee u igman qarankana uga masuulka ah in ay xaliyaan khilaafkaad iyo cabashooyinka doorashooyinku waa gudida doorashoyinka qaranka sida ku cad qodob ka 14 farqadiisa 7aad ee xeerka(xeerLR.20-2001.
Muranada iyo cabashooyinka la xidhiidha doorashadu waxa ay leeyihiin hab raac iyo jaran jaro dhamaystiran oo loo raaco xalintooda kana bilaabmata Goobta codbixinta loona gudbiyo xafiisyada heer degmo,heer gobol iyo heer qaran ee gudida doorashooyinka qaranka,waxaanu habracaasi ku dhamadaa maxkamada sare ee dastuuriga ah ee jamhuuriyada Somaliland.
Habracaasi lagu xaliyo wixii muran ah ee dorashooyinka ka soo baxa waxa si cad u faah-faahinaya xeerarka doorashooyinka sida xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka qodobadiisa 14 farqadiisa 7aad,49,53 farqadiisa(4), 57aad (C),59aad (3),62aad (1,2,3,),64aad (A), 65aad(1,2) iyo si waafaqsan qodobada 46aad,49aad(4),50aad(3),53aad (j), 57aad(f),49aad(c), 61aad(1,2)ee xeerka doorashada golaha waiilada (xeer Lr 20-2/2015)
halkan ka dheeho war-saxaafadeedka oo sawiran
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland