“Xilli Waa Soo Dhawaadkii Ah Oo La Seexday Ayay Koox Hubaysan Oo Gaadhi Wataa Ay Weerareen Goob Diiwaan Galintu Ka Socoyay Oo La Hurdo Askari iyo Kombiyuutar Ayaanay Qaateen.”
“Falkaa Argagixiso Haddii Uu Ku Caddaado In Ay Geysteen Khaatumo Somalilandna Waxay Ka Fiirsanaysaa Wada Hadalka Ay La Bilawday Kooxdaas’ Wax Dhaato Ahna Lama Qaadan.” Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland
Laascaanood(Xogsoormedia.com):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon),ayaa ka hadlay koox dablay hubaysan ah oo xalay niskii dambe weerar ku waaday guri ku yaalla magaalada Laascaanood oo ka mid ah goobaha ay ka socotay diiwaangalinta Codbixiyeyaasha maalmaha dheeraadka ah ee magaalada Laascaanood kooxdaas hubaysan oo qafaashay askari ka tirsan ciidanka Booliska isla markaana qaatay Kombiyuutar ka mid ah qalabka diiwaan galinta Codbixiyeyaasha oo aanay markaa wax dhaato ahi ku jirin.
Waxaanu sheegay in kooxdaas oo hubaysani ay Xalay markii la seexday niskii dambe in ay weerareen goobtaa ka midka ahayd gooaha diiwaan galinta codbixiyeyaashu ay ka socotay isla markaana ay askartii iyo guriga ay qabsadeen ka dibna ay xidh xidheen dadkii ciidankii joogay halkaana ay ka qaateen Kombiyuutar aanay wax dhaato dhaato ahi ku jirin oo laga shubay .
Waxaa kale oo uu ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland kooxda falkaa geysatay ee askariga qafaalatay qaadatayna Kombiyuutarka lagaga hawl galayay diiwaan galinta codbixiyeyaasha Laascaanood in ay u tuhun san yihiin kooxda Khaatumo in ay geysatay taasoo uu sheegay haddii ay ku caddaato kooxda Khaatumo in ay Somaliland,na ka fiirsanayso wada hadalka ay la bilawday Kooxda Khaatumo.
Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in booliska magaalada Laascaanood ay xalay si wanaagsan u shaqaynayeen iyadoo xalay lagu jiray diyaar garawga Munaasibadda Ciidal ADXA oo saaka Caalamka Islaamka oo dhan laga ciiday.
Waxaanu sidaa ku sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon) waraysi khaas ah oo uu khadka tilifoonka ku siiyay Xogsoormedia.com isagoo ku sugan magaalada Laascaanood.
Ugu horrayn Wasiika oo aanu waydiinay xalay goobta diiwaan galinta ee la wareeray iyo noocyada qalabka la qaatay iyo cidda ay u tuhmayaan in ay falkaa geysteen,ayaa ku jawaabay. “Xalay niskii dambe ayay koox dablay hubaysan ah oo gaadhi wata ayaa weerar ku qaaday goob ka mid ah goobaha diiwaan galinta codbixiyeyaashu ay ka socotay ee Laascaanood xilligaas oo ahaa goor dambe oo dadku wada seexday ka dib markii xalay oo dhan lagu guda jiray u diyaar garawga munaasibadda Ciidal Adxaha oo saaka la tukaday, kooxdaasi markii ay goobta weerareen waxay ku qabsadeen Askartii waardiyaha ahayd oo ay xidh xidheen waxaanay qaateen hal kombiyuutar oo goobta yaallay oo aanay wax dhaato ahi ku jirin sida ay noo xaqiijiyeen Gudiga Doorashooyinka oo noo sheegay in Kombiyuutarada marka shaqada lagu dhameeyo ee goobta la xidhayo in wixii dhaato ah ee is diiwaan galiyay laga shubo. Waxaa kale oo ay qafaasheen mid ka mid ah Askartii booliska ahayd ee goobta joogay, isla waabarigii xalayba ciidanku way ka hawl galeen iyagoo ciidankau xalay oo habeen ciid loo diyaar garoobayo ahayd ay si wayn u shaqaynayeen oo ay nabad galyada magaalada si wanaagsan u sugeen intii dadweynuhu suuqa ku jiray ee ay wax iibsanayeen oo illaa 2,dii . habeenimo ahayd. Laakiin markii dambe ee dadku kala seexday ayuu falkan argagixiso dhacay waxaanan hadda ku jirraa ka dawlad ahaan hawl galkii lagu soo furan lahaa askariga la qafaashay iyo Kombiyuutarka aanay waxba ku jirin ee ay qaateen halka ay tageenna warkooda waanu haynaa.”
Wasiirka oo aanu waydiinay in ay jirto cid ay u tuhun san yihiin falkaasi,ayaa ku jawaabay. “ Falkaa waxa gaystay kooxda Khaatumo oo iyadu imika bur burtay oo dhawr fariiqo oo is haya noqotay waanan ka war qabnaa halka ay la tageen iyo askariga ay qafaasheen xaaladiisaba.”
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka jwaabayay su’aal aanu ka waydiinay falkaa haddii ay geysatay kooxda Khaatumo siduu u saamayn karo wada hadalkii ay Xukuumaddu la furtay iyo siday wada hadaladaasi u sii socon karaan ayaa yidhi. “Horta koox kaliya maanta maaha oo iyaga ayaa is aya oo way bur bureen oo fariiqooyin ayay kala noqdeen laakiin haddii uu falkaa argagixiso uu ku caddaado in ay kooxda Khaatumo geysatay Somaliland,na waxay ka fiirsanaysa wada hadalka ay kula jirto waana la iska arkayaa oo talo qaran ayaa laga yeelanayaa oo dawladda ayaa go,aan ka gaadhaysa sababtoo ah wada hadal nooma socon karo lamina wadi karno cid aan xeerinayn wada hadalka oo falalka noocaas ah geysanaysa oo aan wax xidhaaba jirin.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Fartoon oo khadka tilifoonka ugu warramayay Degelka wararka ee Xogsoormedia.com isagoo ku sugan magaalada Laascaanood
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland