Muqdisho(Xogsoormedia.com):- Dawladda Soomaaliya ayaa dib u fasaxday xayiraaddii ay saartayna ka qaaday qaadka dalka Kenya ka dib kulan ay Muqdisho ku wada yeesheen labada Madaxweyne ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iYo Uhuru Kenyatta oo ka mid ahaa madaxda dalalka ku bohoobay urur goboleedka IGAD oo maanta shir madexeedkoodu ka furmay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Halka dawladda Kenyana ay dhankeeda ka qaaday xannibaad saarnayd diyaaradaha ka taga Soomaaliya eek u socda Nairobi oo lagu siii baadhi jiray magaalada Wajeer intaanay Nairobi ka deign.
Kulan gaar ah oo ay yeesheen labada Madaxweyne ayaa la iskula qaatay in Soomaaliya xayiraadda ka qaado qaadka Kenya oo oo maalmihii ugu dambeeyay aan iman Soomaaliya qaadka Kenya oo suuqa kaliya ee ugu way nee dubada ah ee uu wakhtigan haysto ayaa ahayd Soomaaliya taasina waxay maalmihii ugu dambeeyay xaalad dhaqaale yaraan ah galisay dalka Kenya halka Madaxweynaha Soomaaliya uu codsaday dhankiisa in xannibaada laga qaado diyaaradaha Soomaaliya ka taga ee u socda Nayroobi ee lagu soo baadho magaalada Wajeer oo dadka rakaabka ahi ay dhib badan kala kulmaan.
Labada Madaxweyne ayaa la sheegay in ay labadaa qodob isla qaateen in kasta oo aan wali war rasmi ah aan laga soo saarin
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland