Muqdisho (Xogsoormedia.com):- Madaxda Urur goboleedka IGAD,ayaa shir muddo hal saac oo bandoo ah socday ku qaatay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,iyadoo magaalada Muqdisho ay shantii maalmood ee ugu dambaysayba ku jirtay xayirnaan dhanka waddooyinka ah oo la xidhay dhamaan waddooyinka waawayn ee gudaha magaalada Muqdisho isla markaana aanay jirin wax gaadiid ah oo magaalada dhex socon kara.
Shir-madaxeedkii IGAD Muqdisho lagu qabtay ayaa lagu soo gunaaday hal saac oo kaliya iyadoo shirka Madaxda IGAD laga soo saaray War-murtiyeed ay ka mid ahaayeen in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya.
Bayaanka Shirka IGAD ka soo baxay oo ka koobnaa 22-qodob, ayaa waxaa warbaahinta u akhriday Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Aamina Maxamed Jabriil kuwaasoo ay ka mid ahaayeen; In loo xaqiijinayo Somalia Madax-bannaanideeda dhul, mideeda siyaasadeed iyo tan guud ee Midnimada Soomaaliya.
Sidoo kale, Shirka IGAD wuxuu soo dhaweeyay warbixinta Madaxda Dowladda Somalia ay ka siiyeen madaxdii shirka joogay hannaanka doorashooyinka ee sannadkan 2016-ka, taasoo ay ku baaqeen in doorashadu ay noqoto mid ay dadka oo dhan ka qayb-qaataan.
Qodobbada kale ee War-murtiyeedka, ayaa Waxaa ka mid ahaa in madaxda IGAD ay isku raaceen in Arrimaha Soomaaliya looga dambeeyo sida xasilinta dalka iyo sidoo kale dib u dhiska dalka.
Dhinaca kale intii ay madaxda Urur goboleedka IGAD ku sugnaayeen magaalada Muqdishu uu dagaal ka Degmada Boondheere ee gobolka Banaadir,dagaalkaas oo dhex maray ciidanka Millatariga Soomaaliya iyo ciidanka Booliska ka dib markii ciidan Millatari ah oo galbinayay gaadhi qaad siday ay joojiyeen ciidan boolis ah oo fulinayay amarka dawladda Soomaaliya ku xidhay waddooyinka Muqdisho oo ciidanka Millatariga ah u diiday in ay wadada ka gudbaan.
Waxaana labada ciidan dhex maray dagaal qasaare dhimashiyo dhaawacba sababay.
Markii labada ciidan dagaalameen wax yar ka dib waxaa soo kala gaadhay saraakiil ka socotay dawladda Soomaaliaya oo xaaladda dejiyay.
;laakiin isla caawa maqribii ayay mar labaad labadii ciidan mar kale ku dagaalameen isla goobtii ay saaka dirirtu ku dhex martay.
Dagaalka dambe ee caawa fiidkii labada ciidan ee ka wada tirsan ciidanka dawladda Soomaaliya dhex maray ayay dad rayid ahi ku dhaawacmeen kuwaasoo ay rasaastu haleeshay iyagoo marayay waddooyin ka ag dhaw goobta dagaalku ka socday.
Waxaana ka mid ah dadka dagaalkaas ku dhaawacmay Weriye C/casiis Max’uud Guuleed (Afrika) oo ka tirsan shaqaalaha Warbaahinta dowlada.
Waxaana ku dhintay dhawr askari oo ka mid ah ciidamada dagaalamay.
Shirka IGAD uga furmay saaka Muqdisho ayaanay ka soo qayb galin Madaxweyneyaal la filayay in ay yimaaddaa kuwaasoo uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,Madaxweynaha Koonfurta Sudan oo lagaga hadlayay xaaladda qalalaase ee dalkiisa ayaan isna iman waxaa kale oo ka baaqday oo aan ka soo qayb galin shirka Madaxda IGAD Cumar Xasan AL-Bashiir Madaxweynaha dalka Sudan oo ka cudur daartay.
Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa maqnaanshihiisa lagu sababeeyay in uu ka shakiyay in Muqdisho galu qabto kol haddii aanay Soomaaliya ka jirin dawlad iska daa meel kale oo maamuli karta ammaanka goobta shirku ku qabsoomayo iyadoo sugidda nabad gelyada Madaxda tegaysa shirka ay masuul ka ahaayeen ciidanba nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland