Laascaanood(Xogsoormedia.com):-Somaliland iyo Puntland,ayaa la kala wareegay dad iyo laba gaadhi oo lagu kala afduubay gobolada Togdheer ee Somaliland iyo Nugaal Puntland.
Somaliland,ayaa Puntland ku wareejisay gaadhi iyo nin ganacsade ah oo u dhashay Puntland laguna afduubay duleedka magaalada Burco,halka Puntandna ay Somaliland ku soo wareejisay shan qof iyo gaadhi laga afduubay duleedka magaalada Garoowe oo reer Somaliland ah.
Afduubyadan oo ka hore uu ka dhacay duleedka Burco laguna afduubay nin ganacsade ah oo u dhashay Punland iyo gaadhigiisii uu watay ayaa la xidhiidhay wiil yar oo Garoowe lagu haysto oo aabbihii oo loo xukumay xoog lagaga qaatay Maxkamadda Garoowe gudaheeda muddo sanad iyo dheeraad ah ka hor.
Halka Afduubka dambena uu la xidhiidhay ganacsadaha la afduubay.
Guddomiyeyaasha gobolada Togdheer Somaliland iyo Nugaal Puntland,ayaa magaalada Laascaanood kulak ala wareegay dadka iyo gaadiidka labada dhinac lagu kala afduubay.
Dhinaca kale Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Togdheer Axmed Maxamuud Guutaale oo khadka tilifoonka ugu warramay Xogsoormedia.com.ayaa xaqiijiyay in badhasaabka gobolka Nugaal Puntland iyo taliyaha qaybta Booliska gobolkaasi iyo oday dhaqameed la socday oo lagu magacaabo Jaamac oo imika lagu wareejiyay gacantana ku haya ilmaha yare e kiisaska afduubku ka dheceen in ay caddaalad kiiskaas ku dhamaynayaan isla markaana ay balan qaadeen ammaanka ninka reer Somaliland ee ilmiiisa lagu haysto iyo odayaashiisa oo isla maanta iyaguna raacay madaxda gobolka Nugaal ee Puntand oo sheegay kol haddii dacwaddu ay markii hore ka bilaabantay Garoowe in ay si garsoor caddaalad ah u dhamaystirayaan laguna wareejiyo aabbaha ilmuhu ka maqan yahay iyo odayaashiisaba.
Dhanka Somaliland ayay ka qayb galeen kulanka labada dhinaca kulak ala wareegeen dadka iyo gaadiidka la kala afduubay Guddoomiyaha Gobobolk Togdheer,Taliyaha qaybta booliska Togdheer,Maayarka degmada Laascaanood taliyaha qaybta 12 ee Ciidanka qaranka. Taliyaha saldhigga 7,aad ee Ciidanka qaranka iyo madax kale.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland