“Nin qori leh ayaa qarankan laga xoreeyey, waaba se Nin qalin haysta oo budhcad noqday looma dulqaadan karro, waanu ka xoraynaynaa.”Wasiir Maxamuud Xaashi
Hargeysa(Xogsoormedia.com) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,ayaa sheegay in ay Xukuumad ahaan tallaabo ka qaadayaan warbaahinta iyo Wariyeyaasha tabiya warar ku lid ah nabad gelyada,qaranimada iyo xasiloonioda dalka.Waxaa kale oo uu sheegay in aan la oolaan doonin in Warbaahintu qorto wax kasta oo dhib ku keeni kara hannaanka nabad gelyo ee dalka.
Waxaanu intaa ku daray in wax lala yaabo ay tahay in warbaahin aanu magacaabin ay heshiiskii Xukuumadda iyo Shirkadda reer Imaaraad ee DPW ay wada galeen ku sheegay heshiis fashilmay ama si dacaayad ku ah wax uga qoray.
Waxaanu sheegay in dalka laga xoreeyay rag qoryo haysta oo hubaysan isla markaana dadka meel kasta ku baadhan jiray imkana laga xorayn doono wax uu ugu yeedhay rag qalin haysta oo budhcad noqday.
Halka uu hambalyeeyay warbaahinta Somaliland badan keeda oo uu sheegay in ay dalkan dhismihiisa qaybtooda ka soo qaateen isla markaana kaalin muuqata ay kaga jiraan,
Wasiir Maxamuud Xaashi oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi.
“ Waan ku hambaleynayaa warbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland doorkiia ay ka qaadatay heshiiskan inteeda caafimaadka qabtaa, waanu ku hambalyeynayaa haldoorka qaranka waxgaradkiisa iyo dhalinyaradii sida wanaagsan u fakartay, nasiib darro qaybo ka mida warbaahinteenu iyadoo dunidu sidaa inoo amaanayso oo magaceenii iibinayso ayey been iyo hadalalo yaqyaqsi leh ka qorayeen hesiiska, wuu burburay iyo waxan ayaa ku jira iyadoo la wada arkayo iyo gacan sadexaad ayaa saxeexday, waa wax aad iyo aad u fool xun oo qarankan sumcaddiisa ceeb weyn ku ah, qarankan ma laha xisbiga KULMIYE Iyo xukuumadiisu, Axmed Siilaanyo iyo golaha wasiiradu kaligayo ma lihin Umadda oo dhan ayuu ka dhaxeeyaa qaranku, maalinba cidbaa madax ka ah masuuliyadiisuna ay tahay qofku inuu aragti dheer yeesho ayaa muhiim ah, haduu ku saleeyo garaad yar waa nasiib darro, dadkaa aan ka hadlayo waxa weeye rag kooban oo qalin duurrayaal saxaafadeed ah oo si khaldan u adeegsada warbaahinta madaxa-bannaan, oo u qaatay mihnada saxaafaddu inay tahay meherad lagu maxaafsado, ama lagu qadhaabto, saxaafaddu maaha mihnad lagu qadhaabto waa mihnad Umadda u dhex ah, xogo rasmiyana siisa, warar dhab ah siisa, xaqaa’iqa jira ka turjunta, dareenka bulshada muujisa, wacyigalisa, warbaahintu xikmad balaadhan ayey leeyahay, qarankan warbaahintiisa mudakarka ah ee doorka dheer ka soo qaatay intii qarankani uu jiray waanu ku hambalyeynaynaa. Waxaanu leenahay ragga noocaa u fakaraya waanu u caqli celinayaa waanu waaninaynaa.”
“ Nabad galayada qarankan iyo sumcadiisa in meel lagaga dhaco xukuumad ahaan inamada sidaa samaynaya waanu u caqli celinayaa haday ka waantoobi waayaaanna waxay tagi doontaa in la toosiyo, qarankan qori ayaa laga soo xoreeyey, maalin ayuu qorigu khatar ku ahaa , oo waddo walba wiil qori sitaa taagnaa oo baad dadka xoog kaga qaadayey, nin qori leh ayaa qarankan laga xoreeyey, waaba se nin qalin haysta oo budhcad badeed noqday looma dulqaadan karro, waanu ka xoraynaynaa.”
Wasiirka Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waxa uu intaasi ku daray inay Xukuumad ahaan dul u leeyihiin dhaliisha waxaanu yidhi “ Dul baanu u leenahay dhaliisha, ka guban mayno cayda, Madaxweynaha qaranka u sarreeya ayaa maalin walba la caayaa, oo xushmad leh oo haybadii qaranka xanbaarsan, waxa la caayaa marwadiisa, waxa la caayaa masuuliyiinta wasiirada ah, maalin walba waa nala caayaa, dul baanu u leenahay dhaliisha iyo toosinta, intaba waanu ogol nahay hasayeeshee in qaranka la magac dilo, la maamuus tiro aqbali mayno, Warbaahinta madaxa bannaani xor uma aha tigidh free ahna uma haysato in qofku ciddii uu doono uu caayo, in cidduu doono nashuushadeeyo, qarankan haybad dilo, wuxuu u madax banaan yahay inaan la cabudhin inuu war xaqiiqo ah soo bandhigo, inuu warar dhab ah soo saaro, maxkamada ayaanu la tiigsanaynaa sifo sharci ah ayaanu wax uga qabanaynaa.”
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland