Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Labadii Maalmood ee u dambeeyay waxaa Warbaahinta Onlineka ah qaarkood la soo galinayay wax loogu yeedhay war sir ah oo laga helay siyaasiyiinta Beel Heblaayo oo lagu sii hurinayay colaadda waxgadaka Somaliland oo dhami u kacay damniteeda ee labada beelood ee walaalaha ah ku dhex martay deegaanka Dararwayne iyo Dogoble ee degmada Ceel Afwayn ee Gobolka Sanaag.
Warbaahinta wararka noocan ah faafinaysa ayaa soo gudbinaysa codad aan lagu kalsoonaan karin oo ay ku sheegayaan siyaasiyiin iyo Madaxdhaqameed ka soo kala jeeda beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhex martay oo ay sheegeen in ay ku hawlan yihiin hurn dagaal iyo abaabul ciidan.
Hadaba waxaa la gudboon Warbaahinta kale ee aan ka qayb qaadan fdno abuurka iyo hurinta collaadda in ay doorkooda nabadaynta ah dar dar galiyaan isla markaana wararkaa colaada lagu hurinayo ee ah codadka aan la garanayn ee beelaha walaalaha ah dabka lagu kala dhex dhigayo in umadda laga wacyi galiyo isla markaana umadda la tuso warbaahin sheegtayaasha colaadda abuuraya ee isku dilaya beelaha walaalaha ah.
Waxaa kale oo la gudboon Xukuumadda iyo ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja labaduba in ay tallaabo ka qaadaan shabakadaha warbaahinta ee ku sifoobay hurinta colaadda beelaha walaala ah ee gacantu kala gaadhay.
Waxaa hubaal ah haddii aan imika tallaabo laga qaadin warbaahinta ku foogan hurinta colaadda beelaha walaalaha ah in ay dab qasaare badan dhaliya dalka galin doonaan.
Waxaa kale oo warbaahinta noocan u shaqaysata haddii aan tallaabo laga qaadin waxay samayn karaan dhibaatooyin badan oo dhan walba leh oo qasaare qaranka u horseedi kara dhibaatooyin badan.
Waxaa kale oo la gudboon shirkadaha isgaadhsiinta ee bixiya adeegga Internetka in ay warbaahin ku sheegga fidmo abuurka ah xayiraad ka saaraan in adeeggooda Internetka laga gali karo.
Xukuumadda oo dhibsata marka war lagu eedaynayo laga qoro isla markaana tallaabo ka qaada hay’adda warbaahineed ee baahisa war lid ku ah cid ka tirsan Xukuumadda,ayaan illaa imia wax tallaabo ah aan a qaadin warbaahinta u ban baxday hurinta colaadda beelaha walaalaha ah ku dhex martay deegaanka Degmada Ceel Afwayn halka Hay’adaha Isgaadhsiinta oo hawada ka saara shabakada qorta war ganacasigooda ku lid ahina ay wali daawanayso mareegaha gudbinaya waxyaabaha ay siraha wararka ku sheegayaan ee ay ku hurinayaan colaad kale iyo dagaal dib uga qarxa deegaanka Ceel Afwayn.
Waa xaqiiq in warbaahinta wararka xumaanta ah maanta tabinaysaa in ay yihiin kuwo luminaya kolsoonidii wareed ee Ummaddu ku qabi lahayd iyo in ay dhex dhexaadnimadooda,waanay cadday in warbaahinta u qalab qaadatay in ay beelo walaalo ah dagaal ka dhex hurisaa in ay soo qori karto warar kale oo qaranka Somaliland oo dhan lid ku ah isla markaana dalka nabad gelyadiisa waxloogu dhimi karo.
Hadaba waa in intay dhaw yhiin wax laga qabtaa
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland