Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Musharaxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen,ayaa Guddoomiyaha Xisbigiisa ee ay Maxkamadda iskula jiraan u soo jeediyay in uu iskaga biro Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE isagoo intaa ku daray in uu Guddoomiye Faysal jecel yahay KULMIYE kol haddii uu la socdo oo uu Kulmiye ku qanacsan yahay.
Waxaa kale oo uu ka hadlay goorta loo muddeeyay dhegaysiga dacwadda Xisbiga labada garab ee ay kala hoggaamiyaan Jamaal iyo Faysal u dhaxaysa.
Waxaanu Xukuumadda ugu baaqay in aanu Xisbiga UCID ku bur burin inta ay xilka hayso oo aanu noqon xisbigii labaad ee intii KULMIYE dalka hoggaaminayay burbura kana baxa saaxada siyaasadda Somaliland
Hadaba halkan ka daawo.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland