Laascaanood(Xogsoormedia.com):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa ay u kicitimeen xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, ayaa sheegay in ay xukuumad ahaan ka go’an tahay in shaqaaqadii ka dhacday Laascaanood baadhitaan buuxa lagu sameeyo isla markaana cid kasta oo ku lug lahayd in tallaabo sharciya laga qaado.
Waxaa kale oo uu intaa ku daray in loo baahan yahay in dadweynaha reer Laascaanood in ay nabad-gelyada ilaaliyaan oo ay dhawraan dawladnimada loogana fadhiyo in laga wada shaqeeyo nabadda iyo horumarka, waxaanu uga digay cid kasta oo rabshad abuur ah in ay ka waantawdo fal dambiyeed ay ciqaabtiisa arki doonaan.
Wasiirka Arrimaha Daakhiligu, waxa sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka Telefoonka ku siiyay wargeyska DAWAN xalay isagoo ku sii jeeda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.
Wasiir Faratoon oo ka hadlayay xaalada guud ee Laascaanood sida ay hadda tahay, ayaa yidhi.”Xaalada guud ee magaalada Laascaanood imika way degen tahay khasaarihii naf iyo maalba lahaa ee maalintii dhawayd ka dhacay iyo burburkii wax ka dambeeyayna kamay dhicin wax dhibaato ah oo imika ka taaganna ma jiraan.”
“Waxaanu u soconaa in aanu wax ka qabanno dhibaatadii meesha ka dhacday,aniga(Wasiirka) iyo madaxdii booliskuba waanu wada soconaa waxaana xukuumad ahaan naga go’an in aanu hagaajino wax kasta oo khaldan soona dhammayno wixii dhibaato ah ee jirta. Gobolkana nabad-gelyo lagu soo celiyo,”ayuu yidhi Wasiir Faratoon.
Wasiirka oo ka hadlayay tallaabooyinka ay ka qaadayanaan ciddii fal-dambiyeed ku caddaado ama gacan ku yeelata shaqaaqadii dhawaan saddexda qof ku naf waayeen dhawr kalena dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen.. “Cid kasta oo shaqaaqada Laascaanood ka qeyb qaadatay madax iyo Mijo tallaabada ay mudan yihiin ayaa laga qaadayaa. Bulshada reer Laascaanood waxaan leeyahay nabad-gelyada in la wada ilaaliyo ayaa idinku waajib ah waxaanu ognahay In badan oo dambi leh baa jirta oo aanu u tirinayno in aanay ka yeelin sidii bulshonimada ahayd ee loo baahnaa dhibaatadii maalintii dhawayd dhacday markaa cid kasta oo fal-dambiyeed geysatay sharciga ayaa la marinayaa haddii uu madax yahay iyo haddii kaleba.”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiim Maxamuud Xiir (Faratoon) oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay wargayska DAWAN.
Xigasho Wargayska Dawan
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland