Hargeysa (Xogsoormedia.com)- Wasiirka wasaarada Xannaanada xoolaha Somaliland Cabdillaahi Maxamad Daahir (Cukuse), sheegay inuu Hambalyeynayo masuuliyiinta mucaaridka ah ee sida togan u soo dhaweeyay heshiiska maalgashiga dekadda Berbera. Waxa kale oo uu soo bandhigay tirada xoolaha nool ee sannadkan ka dhooftay dekaDda Berbera iyo noocyada ay kala yihiin.
Cabdillaahi Cukuse waxa kale oo uu shaaca ka qaaday inta neef ee wasaarad ahaan ay cudurro ka tallaaleen todobaadyadii ugu dambeeyay iyo inta hadhsan oo uu xusay in iyagana si deg deg ah loo tallaali doono. Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamad Daahir Cukuse, waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Xoolaha aanu daweynaynay waxa ay dhammaayeen saddex milyan oo neef, ilaa imika waxaanu tallaalay laba milyan iyo boqol kun oo neef, muddo lix todobaada, sagaal boqol oo kun ayaa hadhaya, sagaalkaa boqol ee kunnaa waxaanu talaalaynaa saddexda todobaad ee soo socda oo wali wakhtigiii talaalka xooluhu muu dhamaanin, waxaana la daweeyay afar kun iyo shan boqol oo neef”
Cabdillaahi Cukuse waxa kale oo uu xusay inta ay dhan yihiin xoolaha sanadkani ka dhoofay dekada Berbera, waxaanu yidhi “Muddo siddeed bilooda oo bishii imika dhamaatay xoolaha inaga dhoofay waa saddex milyan iyo shan iyo lix-dan kun oo neef, haddii Carafada uun qofku uu ka fikirana waa hal milyan iyo lix boqo iyo sideed iyo sodon kun oo neef, waa adhiga, geela iyo lo’du iyaguna waa ay yar yihiin xiliga Carafada, waayo carafada neefka ay waajibisay ayaa dhoofaya”
Dhanka kale Wasiir Cabdillaahi Cukuse, waxa uu hambalyo u diray Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirrada gacanta ku haya heshiiska casriyaynta dekadda Berbera, waxaanu yidhi “Marka hore hishiiska dekada Berbera waxaan ku hanbalyaynayaa Madaxweynaha Somaliland, sidoo kale waxaan hanbalyaynayaa kooxda wasiirada ah ee gacanta ku haysa heshiiskaa horumarta iyo casiryaynta dekada Berbera, waxa kale oo aan hambalyaynayaa Masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka ah ee taageeray ee fahmay, qadiyada Somaliland dhismaheeda iyo faa’iidada ay u leedahay dekadda Berberi in meel lagu tiiriyo.”
Cukuse waxa kale oo uu intaasi ku daray “Warbaahinta caalamka qaar aan waligood ina soo hadal qaadin ayaynu suuq u aheyn, kana hadlayay heshiiska casriyaynta dekada Berbera, hadd ay Jaraa’idka Worl Street tahay, haday Fox news tahay, iyo haday Washinton Bost tahay, warbaahinta Khaliijku gabi ahaanba waxa ay ka hadlayeen hishiiska Somaliland iyo shirkada DP-World ay wada gaadheen, dhaqaale ahaan faa’idada ay u leedahay dadka iyo dalka, waxa dheeraatay oo wax weyn oo aan looga fadhiyin noqotay inta maanta magaca Somaliland maqashay ee uu hishiiskaasi sababay ee talaabo kasta oo aynu qaadnay aanay wali sababin, mihiimadaasi ayuu leeyahay, shaqo abuurkaasi ayuu leeyahay noloshii magaaalada Berbera oo soo noqota ayuu leeyahay”
“Waxyaabaha rukumada u ah dawladnimadu inay dhisanto, horseedka u ah ee Madaxweynaha Somaliland soo kordhiyay waaa dekada Berbera oo hesha maalgalin iyo shirkad sumcad leh, oo dunida kalena wax ka tari karta, oo dekada iibgeyn karta, hawl galin karta shaqada looga baahan yahay in ay dekadu qabato, maadaama oo ay Berberi aheyd isha dhaqaale ee muuqata, ee ugu mihiimsan ee nool , ee wali innaga dahsoon ee macdan leh, ee Baatrool leh ee shidaal leh, way inoo hadhsan yihiin oo wali wey dahsoon yihiin, isha dhaqaale ee Berbera innaga soo gala ee dawlad-nimadeenu ku dhisan tahay-na, waa rukun weyn oo mihiima, in kaas la sugo oo meel ku tiirsanaadaan oo uu ehel yeesho, waa rukun weyn oo aan ka dhicin maallintii derajada ciidamada la qaybiyay, Madaarada ay aamineen shirkadaheena ugu waa weyn ee ugu caansan, ee aan aaminin dalal fara badan oo aqoonsi ba heysta, waa rukun-weyn oo ku kordhay dawlad-nimadeena,”ayuu yidhi Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Somaliland.