Hargeysa (Xogsoormedia.com)- Guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Shariif Abokor Dhuux-yare, ayaa sheegay in aanay ogolaan doonin in wasaaradaha iyo hay’adaha dawladdu ay iska bixiyaan qandaraasyo, iyada oo aanay soo marin guddida qandaraasyada.
Shariif Abokor Dhuux Yare oo warbaahinta la hadlay ayaa intaa ku daray in guddida qandaraasyada qaranka loo igmaday baahinta iyo bixinta qandaraasyada, isla markaana aanay awood u lahayn hay’adaha dawladda iyo wasaaraduhu in ay iska maamushaan qandaraasyada ay bixinayaan, waxaana uu tilmaamay in ay joojiyeen qandaraasyadii ay iska maamulan jireen hay’adaha dawlada iyo wasaaraduhu.
“Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu u igmaday guddida qandaraasyada qaranka baahinta iyo qabashada qandaraasyada, waxaana wareegtada madaxweynaha lagu caddeeyay shaqada qaranka ay u hayso hay’adani,” ayuu yidhi Guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Shariif Abokor Dhuux-yare Dhuux Yare.
Shariif Abokor, oo ka hadlayay qandaraasyadda ay joojinayaan waxa uu yidhi “Guddida qandaraasyada qaranku waxay hay’addaha dawladda ku war-galinaysaa in ay joojisay warqaddii ay ku ogolaan jirtay ee ahayd mashruuc hay’ad ama wasaaradi sii ogolaatay oo iyadu dadkii u tartamayay ay tartan siisay, ama qofkii ay la jeclaysatay siisay, waanu joojinay, waxa guddida qandaraasyada qaranku joojisay bixinta mashruuc aanay ogolaan wixii hada ka dambeeya, waxaana guddida qandaraasyadu waafiqi doonaa qandaraas naloo soo gudbiyay oo si cadaalada ay ugu tartamaan dadka muwaadiniinta ah ee danaynaya qandaraaskaas,”
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland