“Booliska Waxa ka Go’an inay soo Furtaan Ninka la Kaxaystay Iyo Dadka Afduubay-ba, Puntland-na ilmaha yar ha soo gudbiso…..Taliyaha Qeybta Booliska Togdheer
Burco(Xogsoormedia.com):- Taliyaha Qeybta booliska gobolka Togdheer Gaashaanle Dhexe Axmed Maxamuud Guutaalle, ayaa ka hadlay nin ganacsade ah oo reer Puntland ah oo la yidhaahdo Muuse Cabdalle Maxamed, oo habeen hore laga afduubay duleedka magaalada Burco oo uu sheegay in afduubkiisu la xidhiidho wiil yar oo muddo sanad iyo dheeraad ah lagu haysto magaalada Garoowe Xarunta Maamul goboleedka Puntland.
Waxaa kale oo uu taliye Guutaale sheegay in muddo sanad ah ninka wiilkiisa yar lagu haysto magaalada Garoowe uu u soo dacwoonayay maamulka Gobolka Togdheer isla markaana labada maamul ay in badan ka wada hadleen sidii arrintaa wax looga qaban lahaa.
Waxaa kale oo uu intaa ku daray in ciidanka booliska gobolka Togdheer in ay ka go’an tahay in ay soo furtaan ninka ganacsadaha ah ee u dhashay Puntland ee la afduubay isla markaana ay ka codsanayaan dhanka maamulka Garoowe in arrinta nabad-gelyo lagu dhammeeyo oo Maamulka Garoowe ay iyaguna soo wareejiyaan wiilka yar ee laga haysto aabbaha dhalay.
Taliye Guutaalle, waxa uu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu xalay khadka Telefoonka ku siiyay wargeyska DAWAN.
Ugu horrayn Taliye GuutaalLe oo la weydiiyay waxa ka jira ninka la afduubay, waxaanu yidhi “Afduubka ninkaasi wuu jiraa waxaanu dhacay xalay (habeen hore) goor dambe waxaana laga af-duubay meel magaalada cidhifkeeda ah, ciidankuna wuu ka hawl galay waanan ku raad joognaa gacanta ayaana lagu soo dhigayaa oo markii afduubku dhacay goor dambe oo habeenimo ah ayay ahayd laakiin ciidanku markii uu ka war helayba wuu ka hawl galay,hawl galkaasina wuu socdaa waxaanan ALLE ka rejaynayaa in isagoo nabad-qaba aanu gacanta ku soo dhigno.”
Taliya oo ka hadlayay sababta la sheegay in loo afduubay ninkan ganacsadaha, waxa uu yidhi “Waxaa jira kiis afduubkan la xidhiidha oo ah nin reer Somaliland ah ayaa wiil yar oo uu dhalay muddo badan imika lagaga haystaa magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ilmahaa yar oo la isku qabsaday ka dibna maxkamad la isla galay oo baadhitaanno lagu sameeyay ayaa loo xukumay oo ay caddaatay in uu dhalay ninka reer Somaliland ee lagu haystay markaa muddo sannad iyo dheeraad ka hor ah iyadoo la joogo Maxkamadda Garoowe oo ilmihiisa loo xukumay lana doonayay in lagu soo wareejiyo ayay Maxkamadda soo weerareen ciidan boolis ah oo uu wato sarkaal sare oo booliska Puntland ka tirsani sidaana waxay ku qaateen wiilkii yaraa oo markaa lagu wareejin lahaa aabbaha dhalay hooyada ilmaha yarna waa la xidhay. Maalintaa wixii ka dambeeyay illaa imika aabbaha ilmaha yari ka maqan yahay wuxuu dacwadiisa nagu soo noq noqonayay taliska qeybta booliska iyo xarunta gobolka Togdheer . Guddoomiyaha gobolkuna si hawshaa loo dhammeeyo wakhti badan ayuu geliyay waxaanu toos ula xidhiidhay Maamulka gobolka Nugaal ee Puntland oo mar kasta balan noo qabanayay,annaguna balanta ay hadba qabtaan ayaan u qabanaynay aabbaha wiilku ka maqan yahay, laakiin markii wiilkiisii loo soo celin waayay ayuu isna afduubkan ku kacay. Ninka la afduubay ayaa lagu magacaabaa Muuse Cabdalle Maxamed waxaanay is xigaan sarkaalkii ciidanka u adeegsaday Maxkamadda Garoowe ee ilmaha yar xoogga ku qaatay.”
. “Booliska gobolka Togdheer iyo guud ahaan ciidankaba waxaa ka go’an in ay gacanta ku soo dhigaan ninka la afduubay iyo kooxda qafaalatayba oo isagoo nabad qaba aanu geyno dhanka Maamulka Puntland gaar ahaan ka Garoowena waxaanu ka codsanaynaa in ay wiilka yar soo gudbiyaan oo ay ku dhaqmaan go’aamada ka soo baxay Maxkamadahoodu si aanay arrintaasi saamayn ugu yeelan isu socodka ganacsi ee Somaliland iyo Maamul goboleedka Puntland,wax kasta oo dhacana waxaa wanaagsan in laga wada shaqeeyo oo nabad-gelyo lagu dhammeeyo. Booliska Somaliland waxay diyaar u yihiin in ay ilaaliyaan nabad-gelyada iyo bad qabka isu socodka dadka isaga gudbaya Somaliland iyo Puntland,”ayuu yidhi Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Togdheer oo u waramay wargeyska DAWAN.
Xigasho Dawan
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland