Shirkii Ugu Dambeeyay Ee Wada Tashiga Soomaaliya Oo Aan Lagu Soo Hadal Qaadin Cabashadii Ka Taagnayd Saami Qaybsiga Xubnaha Golaha Sare

0
347

Muqdisho(Xogsoormedia.com):-Waxaa maanta magaalada Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka furmay shirkii ugu dambeeyay ee Madasha Wada Tashiga Qaran kaasoo noqonaya kulankii ugu dambeeyay eek u qabsooma Muqdisho ka hor doorashooyinka Soomaaliya.

\Shirkan oo ay ka soo qayb galeen  masuuliyiinta dawaldda Federaalka Soomaaliya laamaheeda  kala duwan Madaxweynaha,Guddoomiyaha Baarlamaanka,Raysalwasaaraha,xildjhibaano, madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya qaarkood,waxaa kale oo goob joog shirka ka ahaa  wasiirro iyo xubno Beesha Caalamka ka socda.

muqdisho

Shirka oo la filayay in lagu furdaamiyo cabashada ka taagan saami qaybsiga kuraasta xubnaha aqalka sare oo ay si wayn uga soo hor jeesteen madaxda dawladda Federaalka ee ka soo jeeda Somaliland oo ay quudhsi u arkeen ayaan lagu soo hadal qaadin isla markaana aan lagu sheegin in arrintaasi ay tahay mid xal u baahan.

Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in shirkan uu muhimad gaar ah leeyahay, Maadaama goor-dhaw si Rasmi ah loo Guda-galayo Doorashooyinka Sannadkaan 2016-ka – ka dhacaya Soomaaliya.

“Shirkan wuxuu noqonayaa kii ugu dambeeyay ee Madasha hoggaanka Qaran, ka hor intaan toos loo guda-gelin doorashooyinka taariikhiga ah ee Soomaaliya ka dhacaya. Arrimo badan oo muhiim ah ayaa la doonayaa in aanu ka Wada-hadalno, sida Maal-gelinta Doorashadan, Amniga iyo imkaaniyaadka kale ee fududeyn kara hawlaha Doorashada Sannadkaan,”  ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qodobada shirkan lagaga wada hadlayo ayay ka mid yihiin dhamaystirka waxyaabihii ka soo baxay go,aamadii hore iyo tabashooyinkii ka dhashay hannaankii loo qaybiyay  xubnaha aqalka sare oo ay si wayn uga soo hor jeesteen madaxda  Soomaaliya ee ka soo jeeda Somaliland kuwaasoo ku sheegay in aanay qaadanayn  sida loo qaybsaday xubnaha golaha sare oo ay caddaalad darro ku sheegeen.

Waxaa la filayaa in shirka maanta Muqdisho ka furmay aanau noqon doonin mid lagu furdaamin karo muran badan  oo  ka taagan saami qaybsiga dawladda Fedearaalka Soomaaliya

 Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland