Muqdisho (Xogsoormedia.com):-Dawladda Soomaaliya ee ay waardiyeeyaan ciidamada Midawga Afrika,ayaa sheegtay in ay adkaysay ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho isla markaana lagu qaban karo shirka madaxda urur goboleedka IGAD,halka kooxda Al-Shabaab ay kaga jawaabtay madaafiic ay isla maanta ku garaacday magaalada Xamar.
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlay sida ay ammaanka u adkeeyeen magaalada Xamar ee loogu qaban karo shirka midawga Afrika,ayaa yidhi. “Waa markii ugu horeysay ee Muqdisho marti galiso shir heer sare ah sida kan oo kale muddo ka badan 30 sano. Waxaanu u aragnaa inay tahay calaamad taariikhi ah iyo farriin caalamka u sheegeysa in Soomaaliya ay dib ugu soo laabatay saaxada caalamka,’.C/Salaam Cumar Hadliye.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray“Waxaa socda diyaar garow amni oo ballaadhan si loo adkeeyo ammaanka si loo xaqiijiyo in shirkan weyn inta uu socdo aanay dhibi dhicin.” Ayuu yidhi wasiirku.
Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa kaga jawaabtay hadalka Xukuumadda Soomaaliya ee ah in ay ammaanka Caasimadda adkaysay weerarro madaafiic ah oo ay ku weerareen magaalada Muqdisho iyagoo madaafiicda la beegsaday goobo u dhaw Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
“Tiro hoobiyeyaal ah ayaa maanta kusoo dhacay xaafado ka tirsan War-dhiigleey; qaarkood waxay ku dhaceen goobo ay Dad ku ganacsanayeen, kuwo kalena Waxay ku dhaceen Kaam ay barakacayaan ku noolaayeen, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan,” sidaa waxaa warbaahinta u sheegay qof goob joog ahaa.
Waxay is waydiintu tahay sida ay isugu hallayn karaan madaxda urur goboleedka IGAD in ay ku shiraan caasimadda Soomaaliya oo halista intaa leegi ay ka jirto.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland