Soomaaliya Oo Joojisay Qaadkii Kenya Uga Imanayay

0
334

Muqdisho(Xogsoormedia.com):-Dawladda Soomaaliya,ayaa sheegtay in ay joojisay qaadkii uga imanayay dalka Kenya’Dawladda Soomaaliya ayaa intaa ku dartay in ay si ku meel gaadh ah u joojinayso qaadka miirooga loo yaqaan ee ka yimaadda dalka Kenya iyadoo suuqa qaadka Kenya ee ugu wayni uu yahay ka Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa maalin kasta ka dega ugu yaraan 16 duulimaad diyaaro qaad ah. dhammaan duulimaadyada qaadka ee tagi jiray Soomaaliya laga billaabo barito oo Salaasa  ah oo bisha September ay tahay 6 sida uu BBC-da u xaqiijiyay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali.

qaadka soomaaliya

Wasiirka ayaa BBC-da u sheegay in ‘duruufo jira awgood’ ay si ku meel gaadh ah u joojiyeen duulimaadyada qaadka ka yimaada Kenya isagoo ka gaabsaday in uu carrabka ku dhufto sababta arintaasi keentay balse waxa uu tilmaamay in ay dib ka soo sheegi doonaan.

Soomaaliya waa suuqa ugu weyn ee loo dhoofiyo qaadka Kenya iyadoo ugu yaraan 16 duullimaad oo sido qaad ay maalin kasta tagaan Soomaaliya.

Tallaabadan joojinta qaadku waxay dhirbaaxo dhaqaale o wayn ay ku tahay dalka Kenya iyo ganacsatada qaadka ee Kenya ka keena.

Xigasho BBC.Somali

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland