Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu galabta ku dhex martay deegaanka Dararweyne ee degmada Ceel Aweyn ee Gobolka Sanaag.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxaa uu ugu baaqay labaada beelood ee walaaha ah in ay nabad gelyadii iyo walaalnimadii soo celiyaan oo ay walaalnimada wada ilaashadaan.
Dhinaca kale Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxaa uu ugu baaqay Xukuumadda Somaliland in ay qaadato doorka ay ku leedahay ee ah in ay nabad gelyda deegaanka gacanta ku dhigto oo ay soo celiso xasilooni iyo nabad iasgoo intaa ku daray in loo baahan yahay in gurnmad qaran oo labada beelood colaadooda lagu soo afjarayo in laga wada hawl galo.
Hadaba halkan ka daawo baaqa nabadeed ee Guddoomiye Cirro.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland