Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Dawladda Ingiriiska ayaa caddaysay in aanay wada hadalada Somaliladn iyo Soomaaliya u socda in aanay kala qayn gelayn ee la filayo in markii afraad ay dalka Turkiga isku soo hr fadhiistaan.
Waxaa kale oo Xukuumadda London ay ka hadashay in wada hadalada u bilaabmay kooxda Khaatumo iyo Somaliland in aan laga dhigin wax ku eg wakhtiga doorashooyinka oo cod lagu raadinayo laakiin loo baahan yahay in la dhegaysto cid kasta oo wax tabanaysa ama cabanaysa.
Safiirka Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya Mss Harriet Matews oo socdaal ku timi Somaliland ayaa dhinaca kale ku adkaysay Madaxweynaha Somaliland in doorashooyinku ay wakhtigooda qabsoomaan.
Hadaba halkan ka daawo.