Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,ayaa faah faahin ka bixiyay weerar ka dhacay Hotel SYL.
Waxaanu sheegay Wasiir Maareeye in ciidanka amniga ee Muqdisho in ay ka hor tageen weerarrka isla markaana ay fashiliyeen.
“Wasiirka dekadaha iyo wariyeyaal dhowr ah oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka ayaa dhaawacyo muraayado ku saabsan ay soo gaadheen, xaaladooduna way fiicantahay, hadda Alxamdullih, waxaana Alle uga baryayaa in uu bogsiiyo” ayuu yidhi Wasiir Maareeye.
Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa ka codsaday beesha caalamka in dowladda gacan lagu siiyo sidii loo cirib tiri lahaa dhagar qabayaasha Al-Shabaab, isagoo ammaan ujeediyay ciidamada amniga ee ka hortagay falkii ay damacsanaayeen maleeshiyada Al-Shabaab.
Sidoo kale Wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa uu ka hadley masuulyiinta ku dhawacmey qaraaxsi.
“Aniga Hotelka ayaa joogay dhaawac fudud baa i gaadhay, waxaa Hotelka ka socday labo shir ” ayuu yidhi wasiirki
Dhinca kale wararka ay shabakada Ilaysnews.com ka helayso qaraxaasi ayaa waxaa ay sheegayaan in masuulyiintii ku dhaawacmey qaraxaasi ay ka mid yahiin .
1.Wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye
2.Wasiirka Dekada Nuur Faarax
3.Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow
4.Xildhibaan Caasho Koos
5.Wasiirul dowlaha wasaarada gaashaandhiga Maxamed Cali Xaggaa
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland