Puntland Oo U Abtirisay Kooxihii Fuliyay Qaraxyadii Gaalkacyo Ka Dhacay

0
404

Garoowe(Xogsoormedia.com):-Maamul goboleedka Soomaaliya ee  Puntland, ayaa u abtiriyay shaqsiyaadkii fuliyay weerarkii lagu qaaday magaalada Gaalkacayo ee dadka badani ay ku dhinteen.

Shaqsiyaadka lasoo bandhigay magacyadooda ayaa lagu war galiyay   Hay’adaha amniga Puntland in ay soo qabtaan isla markaana gacanta ku soo dhigaan.

1-181

Shaqsiyaadka Maamulka Puntland shaaciyay magacyadooda iyo qabaa’ilka ay ka soo kala jeedaan ayaa  u badan dad  u dhashay gobolka Mudug isla markaana ka soo kala jeeda deegaanakada Galmudug iyo Puntland dadka ku kala abtirsada.

Falkaas oo ay naftooda ku waayeen dad badan, isla markaana ay hanti tiro badan ku burburtay, ayaa waxaa mas’uuliyaddooda sheegatay Al-shabaab, iyadoo dadka geystay lasoo bandhigay magacyadooda.

Haddaba dadka lasoo bandhgay magacyadooda waxay kala yihiin:

  1. Maxamed Nuur Jaamac ama Bashiir Maxamed Nuur oo loo yaqaano “BINU MAXAMED” Da’diisa: 40-45 sanno jir. ,Ku dhashay Gaalkacyo.una dhashay Beeshiisa: Cumar Maxamuud/ Reer Mahad. Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada Al-shabaab ee Gobollada Puntland.
  2. Nuur Maxamed Cabdullaahi ama Nuur Cabdullaahi Diini oo loo yaqaano “NUUR DEEQ” Da’diisa: 45 sanno jir. Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo. Beeshiisa: Sacad/ Reer Hilowle. Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada iyo Dilalka Al-shabaab ee Gobolka Mudug.
  3. Cabdulqaadi Xaaji Yuusuf, Ku dhashay: Gobolka Mudug. Beeshiisa: Dir/ Qubeys.
  4. Cabdishakuur Mire. Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo. Beeshiisa: Sacad/ Reer Nimcaale.
  5. Muxiyadiin Dakharre. Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo. Beeshiisa: Sacad / Reer Hilowle.

Sidoo kale, Waxaanu warbixinta lagu soo gudbiyay a magaca dhagar-qabihii isku qarxiyey xarunta Dawladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo 21-kii Agoosto, 2016-ka, kaasoo gaarigii Noohada ahaa ee qaraxa geystey isku qarxiyey, kaasoo lagu sheegay inuu ahaa; C/llaahi Fanax, Da’diisa: 22 Sanno jir. Ku dhashay Ceel-waaq , Beeshiisa: Marreexaan/ Uur-midig.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Hargeisa Somaliland