Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka dalka Kenya.
kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka ku dhex maray qasriga Madaxtooyada oo ay ku weheliyeen Xubno wasiirro ah,ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta uga wada warramay laba wasiir iyo afhayeenka Madaxtooyada.
Wasiiradda Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon,Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(Caddaani) iyo Afhayeenka Madaxtooda Xuseen Aadan Cide Dayr ayaa dhamaantood hal mar kulan muuqaal ah oo ay warbaahinta u qabteen kaga wada hadlay isal markaana sheegay in kulankaasi is afgarad iyo guul ku dhamaaday.
Hadaba halkan ka daawo labada Wasiir iyo afhayeenka oo ka wada hadlaya arrintan
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland