Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayaa ka hadlay deegaanada Waqooyiga 6-da goobood ee diiwaan galinta dadkooda uu muranku ka taagan yahay iyo go,aamo hore la isula qaatay oo aan ka fulin dhanka Xukuumadda.
Waxaa kale oo uu sheegay in aanay wakhtigan Xukuumaddu kalideed in aanay xaq u lahayn in ay go,aan ka soo saarto laakiin loo baahan yahay in laga wada tashadao oo laga talo galiypo dhammaan cid kasta oo ay qusayso waxaa kale oo uu caddeeyan in ay waajib tahay in dadka lixdaa goobood ee xaniba degeni in ay xaq u leeyihiin in ay helaan waajibaadka muwaadinka ee dastuurku siiyay isla markaana ay aaminsan yihiin in ay sax tahay in dadkaasi ay xaqooda helaan.
“Bishii febawari sanadkan markii diiwaan galintu ka bilaabmaysay diiwaangalinta codbixiyeyaashu waxaa la isugu yimi Madaxtooyada,ayaa la isugu yimi waxaa laga wada hadlay gobolka Awdal diiwaan galintiisa iyo lixdaa gooboodba,Asxaabta Xukuumadda iyo Gudiga Doorashooyinkaba waxaa la isku raacay in ay Xukuumadda waajib ku tahay iyadoo raacaysa taariikhdii 60-kii. In gobolka ay taariikhiyan ka soo jeedeen ee ay munaasibka ku yihiin in la raaciyo bil gudaheed si ay dadka goobahaasina ay u helaan xaqoodii isuna diiwaan galiyaan una codeeyaan waxna u doortaan. Go,aanku kaasuu ahaa ka aanu ogayna kaasuu ahaa,go,aan dambe oo la isgu yeedhay dadka ay khusayso arrintani ma jirin.”
“Markaa Xukuumadda waxaa ku waajib ah in aanay kalideed iyadu go,aan qaadan ee la isugu yeedho dadka ay qsayso arrintani oo dhan. Waajib ayaanan u aragnaa in dadkaasi ay xaqoodii helaan dastuuriga ahaa.”
Hadaba hadalka Guddoomiye Cirro oo dhamaystiran halkan ka daawo.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland