War Saxaafadeed: Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Somaliland Oo Ka Hadashay Xadhiga Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr Oo Ku Xidhan Magaaladda Hargeysa

0
483

Hargeysa (Xogsoormedia.com):- Xarunta xaquuqal iinsaanka Somaliland ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxay xukuumadda Somaliland kaga codsadeen in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo muwaaadin qoraa Siciid Maxamuud Gahayr oo ku xidhan magaaladda Hargeysa.

Waxaana uu warsaxaafadeedku u dhignaa sida tan:

GUULEED-AXMED-GUULEED-DAAFAC-300x300

Waxa 20-kii August 2016 lagu xidhay magaaladda Hargeysa Siciid Maxamuud Gahayr oo ah nin qoraa ah. Siciid xadhigiisa waxa lala xidhiidhiyay qoraalo uu qoray oo ay ka mid yihiin kuwo barraha bulshadda lagu qoray.

Waxa Af-hayeen u hadlay Booliisku sheegay in loo haysto Siciid “falal nabad gelyo darro ah oo wax u dhimaya qaranka Somaliland”. Kuwaas oo ay ka mid yihiin qoraalo uu ku qoray barraha bulshadda iyo kulanno uu qabtay, sida uu ku dooday Booliisku.

Xadhiga Siciid wuxuu dhacay kadib qoraalo isdaba joog ah oo uu kaga faalooday arrimo la xidhiidha Gegida Diyaaradaha ee Cigaal (Hargeysa) iyo dhulka ka ag dhow garoonka.

Sida ku cad qodobka 32-aad ee Dastuurka Somaliland muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ra’yigiisa soo bandhigo. Sidoo kale dastuurku wuxuu ballan-qaaday in dadku ka qeyb qaadan karaan kulanno.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay walaac ka qabtaa xadhiga loo gaystay qof arragtidiisa dhiibtay. In qof loo qabto arrin la xidhiidha qoraalo barraha bulshadda lagu qoray waa walaac hor leh, waana arrin waxyeelo u gaysan karta xorriyadda arragti dhiibashada.

Xaruntu waxay ka codsanaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadiisa u celiso Siciid Maxamuud Gahayr.

 Xogsoormedia.com@gmail.com

 Xogsoormedia24@gmail.com