Guddoomiye Cirro Oo Cusbitaalka Edna Adan Ku Booqday Mujaahid Ootto Biixi Oo Xaalad Caafimaad U Yaalla

0
419

Hargeysa (Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Gollaha Wakiiladda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa galabta Cusbitaalka Edna Adan Hospital ku booqday Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ootto), oo toddobaadkii u dambeeyay u jiifay Xaalad Caafimaad.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu IIIaahay uga baryay innuu Caafimaad sarreecana siiyo Mujaahid Ootto Biixi oo ka mid ah Odayaasha Somaliland, waxaannu sheegay inay Xisbi ahaan wixii taageero buuxda la garab is taagi doonnaan.

ciro2

Waxa kale, oo uu sheegay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), in Xisbigiisu uu gacan weyn ka geysan doonno sidii Maxamed Biixi Caalin loogu qaadi lahaa magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, si halkaas loogu soo daaweeyo Xaaladdiisa Caafimaad oo sida Dhakhaatiirku sheegeen u baahan Cusbitaallada waa weyn ee dalalka aynnu jaarka nahay ee Ethiopia iyo Djibouti oo kale.

Sidoo kale, Siyaasiyiin kala duwan iyo Asxaab tiro baddan ayaa maanta ku booqday Cusbitaalka Edna Adan Hospital Mujaahid Maxamed Biixi Caalin oo xaalad Caafimaad u yaalla Cusbitaalkaas.

Xogsoormedia.com@gmail.com

 Xogsoormedia24@gmail.com