Maamulka Gobolka Togdheer Iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda Oo Shahaado Ku Maamuusay Shirkaddaha Dahabshiil Group

0
413

Guddoomiyaha gobolka Togdheer iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda ayaa Shahaado qaaliya ku maamuusay Shirkaddaha DAHABSHIIL GROUP.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Md. Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) iyo masuulyiinta Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland ayaa Shahaado Sharaf qaaliya ku maamuusay Shirkaddaha DAHABSHIIL GROUP oo kaalin mug leh ka qaatay Xafladdii lagu dhiiri-gelinayay Ardaydii gobolka Togdheer ee kaalmaha hore ka gashay Imtixaankii Shahaadiga ahaa ae Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Md. Maxamed Ibraahin Aadan (Qabo) iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland ayaa shahaado sharaftani gudoonsiiyay Madaxa Suuq-geynta Shirkadda SOMTEL oo ka wakiil ahaa Dahabshiil Group Md. Cali Ismacil Cismaan.

Shirkaddaha DAHABSHIL GROUP ayaa kaalin wayn oo maali gelineed ka qaatay sidii ay usuurtowbi lahayd xafladii loo qabtay ardaydii guusha lama ilaawaanka ah usoo hoysay gobolka Togdheer ee 29-ka arday ahaa, kuwaas oo kaalmaha hore ku hogaaminayay Imtixixaankii guud ee ardayda Somaliland laga wada qaaday.

Shirkadaha DAHABSHIIL Group ayaa had iyo jeer waxay goorkasta taageero weyn la barbar istaagaan Bulshadda ay u adeegaan, iyo dadka jilicsan waxayna shirkadaasi ku caan baxday taageerada ay ka geystaan dhinaca Waxbarashadda, Caafimaadka, Wadooyinka, Horumarka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah oo ay bulshadda ugu qabtaan si taburucaada.

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com