Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Ururka Timajarayaasha Somaliland Deeq Daahir Faarax,ayaa qaylo dhaan u diray Madaxweynaha Somaliland iyo Guud ahaan Bulshada reer Somaliland ee ay u hayaan adeegga Timo Jarista waxaanu cabasho xoogan ka muujiyay dad ajaanib ah oo shaqadoodii ku haysta oo kaga batay isla markaana meesha ka saaraya.
Waxaa kale oo uu sheegay in waajib ay tahay in muwaadiniinta shaqadooda loo ilaaliyo oo shaqo kasta oo qof muwaadin ah oo u dhashay Somaliland haddii uu qaban karo in ay xaaraan tahay in dad ajaanib ahi ay qabtaan isagoo intaa ku daray in kumanaan qoys oo muwaadiniin ah in ay noloshoodu ku tiirsan tahay shaqada Rayiisleyaasha isla markaana ay ka xoogsadaan ugu yaraan 1200 oo qof oo dhamaantood rag ah.
Waxaa kale oo uu caddeeyay in adeega Timo Jarista ee ay bulshada u hayaan in uu yahay mid waafaqsan shareeda Islaamka iyo djhaqanka suuban loona baahan yahay in laga qabto dadka ajaanibka ah ee shaqadoodiina ku soo duulay dhaqankii xiirashadana meel kaga dhacay
Hadaba halkan ka daawo.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland