Daawo Gabayga Dhaygag Dhaxal Wareejinta Dhuleed Ee Uu Kaga Hadlayo Abwaan Nageeye

0
356

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Gabayga Dhaygag ayaa ah mid dhiillo jirta xambaarsan kana digaya khatar ku soo fool leh labada  toban guuro ee soo socda gayiga Soomaalidu ay degto.

Gabaygan Dhaygag waxaa Tiriyay Abwaan Suxufi Nageele Cali Khaliif oo ka mid ah dhalinyarada Suugaanahanka ah ee reer Somaliland,Abwaan Negeeye waxaa damqay oo ka qaylisiiyay xaalad jirta oo u baahan wax ka qabashadeeda iyo in lagu wada baraarug sanaado.

12791073_841750159269826_5179518796392910699_n

Dhaygag wuxuu uga digayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed in si yar oo fudud loo dhaxal wareejiyo dhulkoodana laga qaado,waa xaalad la mid ah ta falastiin dhulkoodii lagu qaatay oo xawli iyo si aan gabasho lahayn u soo kordhaysa.

hadaba  bal nala dhugo Gabayga Dhaygag iyo marxaladda aan qarsoonayn ee uu abwaan  Negeeye Cali Khaliif kaga hadlayo