Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa,ayaa ka hadashaymasiirka ciyaareed ee laba ciyaartoy oo ka mid ah kooxda kubadda cagta ee Dawladda hoose ee Hargeysa.
Wareegto rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska maayarka caasimada Hargeysa , Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ‘Soltelco’, ayaa lagu hor istaagay, qaar kamid ah ciyaaryahanada kooxda dowlada hoose , isla markaana shaqaale ka ah, inaanay u ciyaari Karin gobolo kale, tartanka gobolada Somaliland ee dhawaan la filayo inuu dalka si rasmi ah uga bilaabmo.
Warqadan oo ay kula saxeexan yihiin, ku xigeenka duqa caasimada Cabdicasiis Maxamed Xaashi iyo xog-hayaha Fulinta dowlada hoose, ayaa lagu sheegay in shir ay isugu yimaadeen gudiga fullinta caasimada Hargeysa, 23 kii bishan August, lagu go’aamiyey in ciyaaryahanada kala ah, Maxamuud Cabdi Xassan ‘Koofindhe’ iyo Ayaanle Axmed oo labadooduba ka sokow inay ka tirsan yihiin kooxda kubada cagta ee caasimada, ay shaqaalena ka yihiin Dowlada hoose, aanay u ciyaari Karin gobol aan ahayn Maroodi Jeex, maadaama caasimadu baahi weyn u qabto’.
Go’aanka gudida caasimada ayaa yimid, kadib markii labadan laacib, ay dhawaan sheegeen in midkoodna u ciyaari doono gobolka Hawd, midna gobolka Daad Madheedh, tartanka kubada cagta gobolada Somaliland.
Koofiindhe oo hore uga tirsanaa xulka gobolka Maroodi jeex,sidoo kalena kamida ciyaartoyda u ciyaarta dawlada hoose ee Hargeysa ayaa dhowaan ku dhawaaqay inuu u ciyaaraayo gobolka Hawd oo uu u xidhan yahay kabtanka,taas ayaa iyaduna ka mid ah sababaha uu waraaqdan maayirka Hargeysa usoo saaray.
Waa Tan wareegtadii Ka Soo Baxday Maamulka dowlada Hoose ee Hargeysa
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland