Qaahira(Xogsoormedia.com):-Wefti ka socda Somaliland oo uu hoggaamiyano Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire oo ay ku weheliyaan masuuliyiin sar sare oo Wasaaraddiisa ka tirsan ayay kulamo ay la yeelanayaan dawladda Masar iyo Madaxda dalalka Jaamacadda Carabtu uga bi;laabmeen Xarunta dalka Masar ee Qaahira.
Wasiirka Arrimaha Debadda Dr Sacad oo ay ku weheliyan weftigiisa Danjiraha Somliland u qaabilsan Yemen, Danjire Cali Maxamed Ilkacase, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Debadda, Mudane Cabdiqani Axmed Xasan iyo Madaxa Qaybta Bariga Dhexe Mudane Fahmi Maxamed Qaasim ayaa saaka caabbaara 6;30kii subaxnimo lagu soo dhaweeyay Gagada Dayuuradaha ee Qaahira.
Weftiga Wasiirka oo shalay gelinkii dambe ka ambabaxay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa kadib martiqaad rasmi ah oo wasiirku ka helay dhiggiisa dawladda Masar, waxana kaga horyimi Madaarka Qaahira masuuliyin sarsare oo ka socotay Wasaaradda Kharaajiga Masar iyo xukuumadda dalkaas oo soo dhaweeyay weftiga.
Mudada uu ku suganyahay weftigu Qaahira waxay kulamo muhiim ah la qaadan doonan dhinacyo kala duwan oo ay ka midyihiin Wasiirka Arrimaha Debadda Masar Mudane Saamix Shukri, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Waxbarashada sare, Sheekha Al Azhar iyo qaarka mid ah masuuliyiinta ugu sarraysa Ururka Jaamacadda Carabta.
Ujeedada safarka ee weftiga Wasiirka Arrimha Debadda JSL ayaa qayb ka ah sii xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga dhinacyada badan ee labada wadan ee Somaliland iyo Masar a
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland