Laascaanood(Xogsoormedia.com):- Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uurcadde,ayaa waxba kama jiraan ku sheegay warar sheegayay in ciidanka Booliska gobolka Sool iyo Maamulka Heer gobol iyo Degmo ee Sool iyo Laascaanood in ay iska hor taageen in wefti balaadhan oo u hoggaamiyay Guddoomiaha Xisbiga WADDANI in ay galaan gudaha magaalada Laascaanood.
Xoghaye Uurcadde waxaa kale oo uu sheeggay in guud ahaan gobolka Sool si wayn loogu soo dhaweeyay isla markaana ay uga mahad naqayaan soo dhawaynta blshada Gobolka Sool ku qaabileen Weftiga Xisbiga WADDANI ee u hoggaamiyo Guddoomiyaha Xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) kana mid yihiin masuuliyiinta ugu sarraysa Xisbiga WADDANI oo socdaal shaqo ku marayay maalmihii ugu dambeeyay gobolka Sool.
Waxaanu Xoghayaha guud u mahad naqay ciidamada Booliska iyo Qaranka oo uu ku ammaanay xilka ay qaranka u hayaan iyo sida ay nabad gelyada u sgeen waxaa kale oo uu caddeeyay in ay ka Xisbi WADDANI ahaan in ay taageersan yihiin soona dhawaynmayaan wada hadalada u furmay Kooxda Khaatumo iyo Xukuumadda Somaliland.
“Imika waxaanu ku suganahay magaalada Laascaanood Xarunta Gobolka Sool oo si wayn naloogu soo dhaweeyay,soo dhawayn aanay u kala hadhin guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshadu ayaa Xisbiga WADDANI lagu qaabilay oo lanagu soo dhaweeyay mana jiro ciidan boolis ah oo iska kaaya hor taagay in aanu magaalada gallo warkaasina waxba kama jiraan waana been abuur laga sameeyay ciidanka Booliska oo aanu aad ugu mahad naqayno shaqada ay dalka u hayaan guud ahaan waxaanu hambalyaynaynaa ciidamada kala duwan ee dalka ciidanka qaranka iyo booliskana waxaanu ku ammaanaynaa sida ay heeganka ugu yihiin adkaynta nabad gelyada,maamulka gobolka Sool iyo booliskuba way ku amaanan yihiin shaqadooda wax dhibaato ahna kalamaanu kulmin.”
Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI oo hadalkiisa sii wata aaa inaa ku daray. “Laascaanood waa Somaliland magaalooyinka kale ee dalka ayaanay la mid tahay asxaabtii qaranka o dhamina way wada joogaan mid loo diiday iyo cid laga celiyay midna ma jirto,haddaanu WADDANI nahayna waxaanu si wayn ugu mahad celinaynaa sida aan hore loo arag ee naloogu soo dhaweeyay guud ahaan gobolka Sool iyo gaar ahaan magaalada Laascaanood ee aan u kala hadhin soo dhawayntayada.”
Mar uu ka jawaabayay su,aal aanu ka waydiinay siday u arkaan Xisbi ahaan wada hadalka u furmay Xukuumadda iyo Kooxda Khaatumo,ayuu yidhi. “waanu soo dhawaynaynaa ka WADDANI ahaan wada hadalka u furmay Khaatumo iyo Somaliland cid kasta oo reer Somaliland ah oo wax tabanaysana in wada hadal iyo is afgarad lagu dhameeyo ayaanu aaminsanahay Somaliland oo mid ah ayuu horumarkeenu ku jiraa in wada hadal la isku afgarto waanu soo dhawaynaynaa.”
Mar uu ka hadlayay kulamada uga bilaabmay Xarunta gobolka Sool waxaa uu yidhi. “Xisbiga iyo qaybaha kala duwan ee magaalada Laasaanood way is waraysanayaan waanay noo socdaan kulamadu garaadada culimada waxgaradka bulshada dhalinyada iyo haweenkaba wada hadalada WADDANI iyo Bulshada Laascaanoodna si wanaagsan ayay noogu socdaan.”
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland