“Cali Warancadde Wuxuu Igu Yidhi Anigaa Codsaday Safaaradda Itoobiya Oo Doonaya In Aan Halkaa Ku Nasto’Laakiin In Uu Mar Hore Is-casilo Ayay Ahayd” Xildhibaan Xoog

0
315

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Xoog oo ka mid ah golaha Wakiiladda Somaliland ayaa markii ugu horraysay sheegay in Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde in uu qaatay xilka Safiirnimo ee Madaxweyne Siilaanyo u magacaanay isla markaana uu isagu codsaday in halkaa loo dhiibo oo loo magacaabo.

Waxaanu intaa raaciyay in ay Cali Warancadde u ekayd in uu mar hore is casilo.

Waxaa kale oo uu sheegay Xildhibaan Xoog in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in Beesha Wasiir Warancadde muddaharaad kaga hor timi xilka qaadistiisa.

Waxaanu geesta kale ku dhaliilay Madaxweyne Siilaanyo xil ka qaadis la,aanta Wasiiradda beeshiisa ka soo jeeda oo aan wali midna aan la eryin oo uu ku sifeeyay in ay la mid yihiin shanta xunood ee joogtada ah ee Qaramada Midoobay.

halkan ka daawo.

 

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeysa Somaliland