Hargaysa (Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Gobolka Selel ee Xisbiga WADDANI. Farxaan Maxamed Yuusuf,ayaa sheegay in ay mudan tahay in laga marag kaco isla markaana loo qiro Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaai Cirro kartidiida iyo muwaadinnimadiisa.
Waxaanu intaa raaciyyay Guddoomiye Farxaan isagoo ka wakil ah bulsho waynta reer Selel ee is bedel doonka ah in ay shahaado sharaf ku maamuusayaan Gddomiye Cabdiraxmaan oo ay ku majeerayanaan hoggaamintiisa iyo tusaaleyaashiisa muwaadinnimadu ku dheehantahay.
“Gudoomiye Ciro waa hubaal inuu yahay shaqsi mudan in laga marag kaco kartidiisa iyo muwaadinimadiisa, waxana aniga oo ka wakiil ah dadka reer Selel ee isbedelka u ooman noo sharaf ah inaan ka marag kacno kartida iyo Wadaniyada ku duugan Gudoomiye Ciro, waxaana leeyahay wuxuu ku mudaystay shahaadadan daacadnimoda, dulqaadka, hufnaanta hogaamiyenimo iyo adkeynta midnimada shacabka Somaliland”
Isaga oo hadalka sii wata ayaa Gudmoomiye Farxaan waxa uu intan daba dhigay “Shahaado sharaftani waa mid ka marakacaysa waxqabadka manta ee Gudmoomiye Ciro sidoo kalena Gudoomiyaha ku dhiiri galinaysa in uu soo laba-laabo dadaalka uu ugu jiro ka midho dhalinta isbedelka ay umada reer Somaliland u ooman tahay iyo sidoo kale in uu hiigsado ictiraafka ay umada reer Somaliland u baahan tahay”
“Dadka ku dhaqan gobolka Selel ayaa ah dad si wayn ugu ooman isbedel ka dhaca dalka, kadib markii mudo 6 sano ah oo uu xisbiga Kulmiye talada dalka hayay ay noqdeen kuwa ugu dib dhacsan ee dalka, isla markaana ay ka go’an tahay in ay isbedelka u hiiliyaan iyaga oo markaasi codkooda diyaar ula ah inay ku taageeraan Xisbiga Wadani iyo Isbedelka togganaha ah ee uu horseedka u yahay Gudoomiye Ciro” ayuu hadalka ku soo afmeeray Gudoomiyaha Gobolka Salal ee Xisbiga Wadani Md. Farxaan Maxamed Yuusuf
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland