Muqdisho (Xogsoormedia.com):-Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee IGAD, Inj. Maxbuub Macallin,ayaa ka wada hadlay siday suura gal u tahay in bil ka dib Muqdisho lagu shiri karo isla markaana ammaan ahaan ay dawladda Soomaaliya u sugi karto in ay shirka Xamar lagu qabanayaa uu nabad gelyo iyo ammaan sugan heli karo.
Wetfi uu hoggaaminayo Xghayaha guud ee urur goboleedka IGAD oo socdaal shaqo ku tegay Caasimadda Muqdisho Xarunta dalka Soomaaliya oo nabad gelyadeedu ay tahay mid wajiyo badan oo inta badan ay ka dhacaan qaraxyo iyo dagaalo dhex mara ciidanka nabad ilaalinta midawga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya ku sugan iyo ciidanka dawladda oo isku dhinac ah iyo kooxaha ka soo hor jeeda ee Al-Shabaab oo magaalada ka fuliya weeraro ismiidaamin ah iyo dagaalo aan wakhti lahayn,ayay urur goboleedka IGAD,doonayaan in ay shirka ururka IGAD in ay sanadkan ku qabsadaan caasimadda Muqdisho.
Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Weftiga IGAD,ayaa la iskula qaatay in caasimadda Muqdisho ammaankeeda la isku hallayn karo isla markaana lagu qaban karo shirka urur goboleedka dalalka Bariga Afrika ee IGAD.
Sidoo kale, kulanka ayaa waxay labada dhinac kusoo qaadeen mashaariicda kaabeyaasha Dhaqaalaha ee Hay’adaha Caalamiga ah iyo IGAD ka fulinayaan Soomaaliya iyo iskaashiga arrimaha horumarinta ee labada dhinac.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland