Buuhoodle (Xogsoormedia.com):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye),ayaa sheegay in aanay u dul qaadan doonin faro galin kaga timaada Buuhoodle Maamulka Puntland,waxaanu intaa ku daray in danta Buhoodle ee dad iyo deegaanba in ay ku jirto Somaliland dadkuna ay taa garteen kuna baraarugeen diyaarna u yihiin in ay Somaliland wax la qaybsadaan.
Wasiirka caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed, ugu horrayn waxaa uu bulshada ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Ugaas Cabdilaahi Ciise oo Salaasadii ku geeriyooday dalka Turkiga kana mid ahaa madaxdhaqameedka gobolka Sool.
Tacsidaasi kadib waxa uu wasiirku sharaxaad ka bixiyey ujeedada socdaalkiisa ee gobolka Buuhoodle. Waxaanu yidhi “Salaasadii ayaanu nimid Gobolkan waxana aanu u nimid hawl wacyigelineed iyo mid wadatashi dadka deegaanka ah, runtii dadku xiligan waa bislaadeen, 99% waa dad aaminsan Qaranimada Somaliland.
Waxaananu rajaynaynaa in wadatashiyada aanu la yeelanayno ay ka soo baxaan arimo dhaxalgal ah, isla markaana ay dabaysha siyaasadeed ee isu guurka ah ee somaliland ka dhacaysa ay meel wanaagsan ka geli doonaan oo qaybtooda ka qaadan doonaan”.
Dhanka kale wasiirka caafimaadku waxa uu uga digay maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo isku deyay inay carqaladeeyaan deganaanshaha Gobolkaasi iyo qorshaha diiwaangelinta codbixiyaha Somaliland oo ah arrin uu muwaadinku xaq u leeyahay,
Wasiirka oo arrintaa ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan halkan ka sheego oo digniin u diro maamulka Puntland oo ku tashadayinay carqaladeeyaan rabitaanka shacabka Buuhoodle , isla markaana doonaya inay ciidamo u soo diraan Buuhoodle oo Madaxweyne ku xigeen u soo diraan oo qasaan in halkan diiwaangelintu ka dhacdo.
Waxaan leeyahay waxii xasiloonidarro iyo khasaare ka yimaadda waxaa mas’uul ka noqonaysa Puntland, caalamkana sidaas ayaan u sheegaynaa, waayo dadka reer Buuhoodle wanaag bay rabaan nabaday rabaan , iyagaa xor u ah inay diiwaangelinta galaan iyo in kale sida muwaadin kale oo kasta oo reer Somaliland uu xaqaa u leeyahay, Jamhuuriyadda Somaliland waa wadan dimuqraadi ah cidna laguma khasbo ka qaybgalka diiwaangelinta iyo doorashada toona, Puntland-na waxaan ugu celinayaa deegaankan iyo dalkan rabshad kama ogolin”.
Dr. Xaglotoosiye, oo ka hadlayay dareenka dadweynaha degaankaasi ee xiligan iyo sida ay diyaarka ugu yihiin ka qaybqaadashada xaaladaha siyaasadeed iyo bulsho ee ka socda Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Intii aanu halkan joognay waxaa dadweynaha nagaga soo noqday dareen weyn oo muujinaya rabitaan weyn iyo isbedel weyn waana mid aanu aad iyo aad ugu faraxsan nahay uguna hanweynahay, illaa hadana waxaanu kulamo la yeelanay maamulka heer Gobol iyo heer degmo, odayaasha iyo qaybaha kale ee bulshada.
Waxaananu bilownay sidii wadatashi loo yeelan lahaa, runtiina reer Buuhoodle oo ah xubin aad u weyn oo beesha Dhulbahante ka tirsan ayaa aqlabiyadoodii waxay go’aansadeen inay dantooda u soo noqdaan oo danta deegaankooda eegaan oo go’aansadaan inay si buuxda uga mid noqdaan Jamhuuriyadda Somaliland, oo dantoodu ku jirto, nabadgelyadoodu ku jirto, horumarkoodu ku jiro, mustaqbalkooda siyaasadeedna ku jiro.
Xukuumad ahaana wax walba waanu la dhinac taagan nahay waxana aan filayaa insha allaahu in isbedel weyn oo degdeg ahi dhaco”.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland