Muqdisho(Xogsoormedia.com):- Xildhibaanada’Wasiiradda iyo Siyaasiyiinta ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda dhalasho ahaan Somaliland ayaa gabi ahaanba qaadacay in ay ka qayb galaan doorashoyinka Soomaaliya la filayo in ay ka qabsoomaan.
Waxaanay sabab uga dhigeen in si aan caddaalad ahayn loo qaybiyay kuraasta golaha sare ee dalka oo ay ku sheegeen in aan beelaha Somaliland xaqoodii la siin isla markaana koon fur oo kali ahi ay qabsata.
Waxaa kale oo ay sharci darro ku tilmaameen jiritaanka Madhasha Wada tashiga oo ay sheegeen in ay yihiin koox yar oo sharci darro ah isla markaana wax kasta oo ay soo saaraanna ay sharci darro tahay.
Hadaba halkan ka daawo.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland