Madaxweynaha Somaliland Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay Dufcaddii 15 Ee Ka Qalin Jabisa Jaamacadda Cammuud

0
355

Boorama(Xogsoormedia.com):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay dufcaddii 15,aad ee ka qalin jabisa Jaamacadda Cammuud ee magaalada Boorama.

Munaasibad aad u balaadhan oo lagu qabtay hoolka Jaamacadda Cammuud ee  magaalada Boorama oo ay ka soo qayb galeen Madawweynaha Somaliland,Wasiiro,Xildhibaano waalidiin madaxda Jaamacadda Cammuud iyo ardayda qalin jabinaysay,ayuu Madaxweyne Siilaanyo Jaamacadda Cammuud ku amaanay kaalinta ay dalka ugu jirto iyo waxtarka umadda ay u hayso.

jam2jam1

Madaxweynaha Somaliland oo soo gunaanaday munaasibada qalin  jabinta ardayda Jaamacadda Cammuud maanta ka jalin jabisay ayaa yidhi”Farxad weyn ayey ii tahay in aan xafladdan qalinjebinta ardayda intaa tirada leeg in aan idin kala soo qaybgalo ee Jaamacadda Cammuud, Waxan hambalyo balaadhan u dirayaa oon leeyahay Hambalyo Macalimiinta, Ardayda Qalinjebinaysa, Waalidkood iyo dhamaan shaqaalaha Jaamacada ee ku hawlanayd soo saarista Ardaydan qiimaha badan waxanan leeyahay aad iyo aad ayaan idinku hambalyeynayaa. Jaamacadda Cammuud wax yaalaha ay qabatay  waa waxyaabo dadkeena iyo dalkuba ku wada faanayo oo aynu gidigeen kuwada faanayno oo aynu markhaati uga nahay inay qiimo weyn iyo magac weyn iyo sharaf weyn qaranka u tahay, Annagana wax weyn bay noo tahay waxa aanu jidkaa u soo marnay waa taa Ilaahay waxan ka baryayaa inuu sanadkan sanadkiisa inagu gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo, Waxanan idin leeyahay mar kale Hambalyo Hambalyo Hambalyo Ilaahay garabkiina ha galo, guushana ha idin waafajiyo”. sidaasi ayuu madaxweynuhu ka yidhi munaasibadii loo qabtay Ardaydii ka baxday Jaamacada Camuud. Ka dibna waxa uu madaxweynuhu Shahaadooyin gudoonsiiyey Ardaydii dhamaystay waxbarashadii jaamacada.

jam3jam4

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland