Hargeysa(Xogsoormedia.com): Shir wayne laba maalmood ka socday magaalada Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo ay qabsadeen Beelaha Garxajis,ayaa maanta la soo gunaanaday isla markaana ay ka soo bexeen lagana soo saaray qodobo dhawr ah shirkaas.
Hadaba halkan ka akhriso kana daawo.
Qodobada kasoo baxay shirkan ayaa waxa halkaasi ka akhriyay gudoomiyaha gudida Talo Iyo Tawfiiq ee beelaha Habar-yoonis Xasan Xuseen Faarax waxaana qodobadii kasoo baxay ay u dhignaayeen sida tan
“Maalmihii sabtida iyo axda ee taariikhdun ahayd 13 iyo 14 bishan waxa magaalada hargeysa ku qabsoomay shirwaynihii beelaha garxajisi ee baryahanba la filayay,kaasi oo qabanqaabadiisu iyo wada tashigiisu soo socday ilaa bishii June sanadkii 2015-kii,waxa shirkaasi kulmiyay haldoorkii beelwaynta garxajis oo ay ku jireen salaadiin boqoro,cuqaal,waxgarad odayaal,ganacsato,siyaasiyiin iyo waliba dhalinyaro kuwaasi oo qaarkood ka kala yimaadeen degmooyinka iyo gobolada Somaliland,Ujeedada shirkuna waxay ku saabsanayd midaynta,horumarinta,iskaashiga iyo xoojinta walaalnimo ee beelwaynta garxajis iyo turxaan bixintooda,waxa lagu gudoonsaday midnimada wadajirka iyo wax wada qabsiga inuu lagama maarmaan u yahay danaha beelwaynta garxajis,wuxuu shirku turxaan bixiyay dhamaan tabashooyinkii lakala tirsanayay waana layskaga garaabay waxaana lagu heshiiyay hiigsiga cusub ee ku qotoma kuna salaysan midnimada wadatashiga iyo wax wada qabsiga,waxaana shirkani ahaa mid loo baahnaa muhiimna u ahaa minimada iyo horumarka beelwaynta garxajis hadaba qodobadii kasoo baxay shirwaynihii beelaha garxajis ayaa waxay ahaayeen sida tan”
- Wuuxuu shirku isla qaatay ilaalinta iyo xoojinta midnimada nabadgaliyada bulshada,madax banaanida iyo gooni isku taaga qaranimada Somaliland ee lama taabtaanka ah
- Waxa kale oo shirkan lagu gorfeeyey xaalada hadda dalka iyo dadkuba ku jiro ee wakhtigan kala guurka ah ee doorashooyinka kala duwani ina soo food-saareen iyo filashada ay kaa naaloonayso bulshada Somaliland oo qayr iyo wanaag laga filanyo insha allah
- Shirka waxa kasoo baxay kuna talinayaa in doorashooyinka madaxwaynaha iyo doorashooyinka golaha wakiilada ay iyagu ku dhacaan wakhtigii loogu tala galay lagana digtoonaado wax kaste oo oo keeni kara inay xumeeyaan nabad galiyada qaranka Somaliland.
- Shirku wuxuu taageerayaa taalaabo kaste oo horumarineed oo loo baahnaa oo cadaalada oo ay xukuumaddu qaaday ,waxkaste oo horumar ah oo xukuumadda Somaliland qaadayna shirku si buuxda ayuu u taageersan yahay
- Shirku wuxuu baaq nabadeed u dirayaa labada beelood ee walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka bacaha ee deegaanka darar wayne ee gobolka sanaag,waxaanuu shirku codsanayaa in waxii ay labada beelood kala tirsanayaan lagu dhameeyo walaalnimo iyo wada hadal arinkana lagu soo dabaalo nabad galiyo
- Wuxuu shirku ansixiyay 21 xubnood oo guddi garxajis ah oo mayalka iyo hogaanka u qaban doonta bari laga bilaabo kana talin doonta danaha guud ee beelaha garxajis hadii alle idmo
- Shirku wuxuu ansixiyay xeerkii hagayay ama ay ku qancayeen ee gudida xakamaynayay waajibaadkoodana tusayay
- Ugu danbayn shirku waxuu ugu baaqayaa beelaha walaalahood ah nabad,isqadarin,wada noolaansho,gacaltooyo in la wada ilaashado qaran ku dhisan sinaan iyo cadaalad wadatashi isku tanaasul iyo isku joojintii caqabadaha qaran lagaga bixi jiray ee aynu ku caano maalnay
halkan ka daawo
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland