Daawo Wasiirka Diinta Oo Sababeeyay Joojinta Bandhig Faneed La Hakiyay

0
346

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed,ayaa sababeeyay Bandhig faneed la hakiyay isla markaana la joojiay dhigistiisa.

Wasiir Khaliil oo maanta Xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay Xukuumad ahaan  ka hakiyeen Barnaamij madadaalo nabdhig faneed  heeso ah oo ay doonaysay in ay soo  bandhigto Fannaanada Naxteexo Indho oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaynd Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

waxaanu Wasiir Khaliil sheegay in ay fannaanada shaweeda u joojiyeen  ka dib markii culimada dalku ay a soo gudbiyeen cabasho ay kaga cabanayaan dhaqan xumo iyo qaawanaan fannaanadaas lagu arkay heesaheeda qaar ka mid ah oo ay dalalka Yurub ku duubtay muuqaalo aan asturnayn.

hadaba halkan ka daawo Wasiir Khaliil oo arrimahaa ka hadlaya.

 

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland