Shaqaalaha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Sool Oo Loo Soo Xidhay Tababar

0
400

Laascaanood (Xogsoormedia.com):- Guddoomiye ku xigeenka komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa   shalay  tababar ugu soo xidhay magaaladda Laascaanood, 305 ka mid ah shaqaalaha ka hawl-geli doona diiwaangelinta codbixiyeyaasha  ee la filayo in ay dhawaan ka bilaabanto gobolka  Sool.

Waxaana magaaladda Laascaanood hawlo shaqo ku jooga xubno ka tirsan komishanka doorashooyinka Somaliland oo uu kor kacayo guddoomiye ku xigeenka  gudiga doorashooyinka, Maxamuud  Xasan Wacays,   Kuwaasi oo hawlo qiimayn oo ay ku samaynayaan qaabka ay diiwaangelintu uga qabsoomayso ka wada gobolkaasi.

2-3-90x90

 Ardaydan  tababarkan  loo soo xidhay   oo ah ardayda  jaamacadaha Nugaal iyo jaamacadda Bariga Afrika ee Buuhoodle, iyadoo uu tababarkaasina u socday muddo 8 maalmood ah. Kuwaasi oo loo sii diyaarinayo  in ay qayb ka noqdaan shaqaalaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Guddoomiyaha gudiga doorashooyinka ee gobolka Sool   C/laahi Laba-go’le,  oo faahfaahin ka bixiyay ardaydan tababarka loo soo xidhay ayaa sheegay in  305-tan arday ay ka mid ahaayeen 800,  oo  arday oo laga kala keenay jaamacadaha gobolka Sool, kuwaasi imtixaan laga qaaday kadib ay soo baxeen 305-tan tababar qaatay.

Waxaanu yidhi “Waxaanu maanta (shalay)  tababar u soo xidhnay shaqaalihii ka shaqayn lahaa goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolka Sool, kuwaasi oo ay tiradoodu dhan tahay 305 qof.   Shaqaalahani oo ah kuwii laga qaatay jaamacadaha gobolka Sool,  waxaana lagu soo xulay aqoon, oo imtixaan ayaa laga qaaday, waxaana imtixaankaasi galay ilaa 800 qof oo reer Sool ahaa.Tiradda shaqadan loo doonayay-na waxay ahayd 305 qof”.

 C/laahi Laba-go’le,  guddoomiyaha gudiga doorashooyinka ee gobolka Sool waxa kale oo uu ka hadlay wakhtiga ay diiwaangelinta codbixiyeyaashu ka bilaabanayso gobolka Sool. “Sida uu markii hore qorshuhu ahaa, waxay ahayd in diiwaangelinta codbixiyeyaashu ay 13-ka bishan August ka bilaabanto gobolka Sool,  hase yeeshee cabashooyin ka yimid odayaasha iyo waxgaradka gobolka  iyo dadka siyaasiyiinta ah ee  ka soo jeedda gobolkan darteed ayaa dib loogu dhigay.

  Axadii  dhawayd komishanku shir ayay ka yeesheen, shirkaasina waxaa ka qayb galay xubno siyaasiyiin ah oo ka soo jeedda gobolkan,  arrimihii ay komishanka kala hadleena  am aka cod-sadeen waxaa ka  mid ahayd goobaha in loo kordhiyo,  mudadda ay diiwaangelintu soconayso in la kordhiyo, wacyigelin dheeraad ah la sameeyo, arrimahaasina waa la is-la af-gartay”.

Waxaanu intaasi ku daray “Gobolkan Sool, waa gobolkii ugu danbeeyay ee ay  ka qabsoonto hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaashu,  waanu ka duwan yahay goboladii hore,  haka duwanaadee, hadana xeerarkii goboladii kale lagu maamuli jiray-na ama  lagu dhiqi jiray ayuun-baana lagu maamulayaa.

Hase yeeshee waxaad moodaa, in dadku ay hadda si ka duwan doorashooyinkii hore iyo diiwaangelintii hore ee gobolka ka dhici jiray,  in ay ugu diyaar yihiin”ayuu yidhi guddoomiyaha komishanka ee gobolka Sool.

Si kastaba ha ahaatee, diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa hore loo qorsheeyay in ay  13-ka bishan ka bilaabanto gobolkaasi, hase yeeshee  cabashooyinka soo yeedhay odayaasha, waxgaradka iyo siyaasiyiinta gobolkaasi, kadib ayaa la si-la qaatay in ay ka bilaabanto dabayaaqadda bishan.

 Gobolka Sool ayaa noqonaya gobolkii ugu danbeeyay ee ay ka dhacdo diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland, taasi oo hore uga soo dhacday goboladda kale ee dalka

 Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland