Qadiyadda Madaxbannaanida Somaliland Oo Kenya Maanta Lagaga Doodayo Iyo Danjire Iqbal Jhazbhay Oo Lagu Soo Casuumay

0
315

Nairobi(Xogsoormedia.com):- Dood la xidhiidha aqoonsiga Somaliland ayaa la sheegay in maanta oo Sabti ah lagu qaban doonto magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Doodan oo ay  soo qaban-qaabisey idaacada KBC English ee xarunteedu tahay caasimada Kenya ee Nairobi ayaa lagu soo casuumay Safiirka dalka Koonfur Afrika u fadhiya dalka Eritreria Prof. Iqbal Jhazbhay.

index

Doodan lagaga hadlayo aqoonsiga Somaliland ayuu daadihinayaa weriye lagu magacaabo Jared ombui, oo aqoon balaadhan u leh Somaliland, dhowaana ka soo qeyb-galay bandhigii 9-aad ee buugaagta caalamiga oo Xarunta Dhaqanka Hargeysa sannad walba soo qabanqaabiso.

Dublamaasigan u dhashay dalka Koonfur Afrika Prof. Jhazbhay ayaa sidoo kale ah nin khibrad iyo waaya-aragnimo dheer u leh qadiyadda madaxbanaanida Somaliland, isla markaana waxbarashadiisii shahaadada PHD-da ku sameeyey.

Prof. Jhazbhay ayaa sidoo kale xilliyo kala duwan ku soo bandhigay fagaarayaasha caalamka doodo uu kaga hadlayo aqoonsiga Somaliland, xidhiidh dhowna la leh madaxda iyo bulshada Somaliland, isagoo bishii hore ka soo qeyb-galay bandhigii buugaagta caalamiga ee Hargeysa lagu qabtay.

Prof. Jhazbhay ayaa intaan loo magacaabin safiirka Koonfur Afrika u qaabilsan dalka Eriteria, u meteli jiray Somaliland wakiil sharafeed u qaabilsan dalka Koonfur Afrika, waxaanu wax badan ka qabtay siduu qadiyada madaxbanaanida Somaliland uga dhaadhicin lahaa masuuliyiinta dalka Koonfur Afrika.

Doodan maanta laga hadlayo qadiyadda madaxbanaanida Somaliland ee lagu qabanayo dalka Kenya ayaa wax badan ku sii kordhin doona fahamka qadiyada madaxbanaanida Somaliland ee shacabka iyo madaxda dalka Kenya, oo muddo dhoweyd raysal-wasaarahii hore dalkaasi Raila Odonga ku shaaciyey siduu u taageersan yahay qadiyada madaxbanaanida Somaliland.

 Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland