Raysal-wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Oo Quus Ka Muujiyay Midnimada iyo Federaalka Uu Aaminsan Yahay

0
378

Muqdisho (Xogsoormedia.com):-Raysal-wasaare Ku-xigeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland isla markaana aaminsan mabda,a Federaalka iyo midnimada Soomaaliweyn,ayaa sheegay in rabitaanka  midnimo Soomaali weyn iyo mabda,a Federaalka ee uu aaminsan yahay in uu quus ka taagan yahay isla markaana uu ka suura gali waayay dhanka Soomaaliya oo uu  ku eedeeyay sad bursi iyo in aanay ogolayn dawladda Muqdisho in ay Somaliland iyo Soomaaliya si siman oo ha labadii hore u midoobay in ay wax u qaybsadaan.

Waxaanu Raysal-wasaare Maxamed Cumar intaa ku daray in Soomaaliya oo isu kala qaybisay Maamul goboleedyo tiro badan in ay  wax ku qaybsanayso isla markaana Somaliland ay ka soo qaaday laan yar oo ka mid ah Maamul goboleedyadooda oo kale.

image24

Taasoo u sheegay in ay ka mid tahay arrimaha duudsiga xaqa reer Somaliland kaga go,een Soomaaliya in ay ka mid tahay isla markaana ay soo taxnayd an iyo wakhtigii la midoobay lixdankii.

Waxaa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay haddii la doonayo midnimo Soomaaliweyn iyo hirgalinta nidaamka Federaalka in wax loo qaybsado Somaliland iyo Soomaaliya haddii taa la waayana in ay meesha ka baxasyo wax la yidhaahdo Soomaaliwyn oo aanay soo noqon doonin dadka reer Somaliland

 Waxaanu si cad uga soo hor jeestay hannaanka wax loo qaybiyay iyo qoondada Somaliland laga siiyay aqalka sare.

“Waxaanu aad iyo aad uga xunahay qodobka ugu darnaa ee aanu diidaynay waa qaabkii loogu qaybiyey beelaha dega Somaliland ee ay cabashadu ka timi iyo go’aankii madashu soo saartay ee ahaa inay iyagu tilmaamaan ama qoondeeyaan cida qaadanaysa kuraasta taas ayaa ah dhibta ugu wayn waayo cid kastaaba iyaga ayaa yaqaana sida ay u qaybsanayaan markaa in loo daayo ayay ahayd oo ay iyagu qaybsadaan. Midda labaad dawlad goboleedyada kale waxba looma qoondayn ee in iyaga la yidhaahdo waa la idiin qoondaynayaa wax meesha qabata may ahayn”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu raysal wasaare kuxigeenka Somalia sheegay inay dawladiisu wali cagta hayso dhabihii reer Somaliland ku kalifay goosashada waxaana uu soo jeediyey inaan la eryin inta yar ee midnimada u taagan waa sida uu sheegaye, waxaana uu yidhi:

“Runtii gocasho badani way jirtaa oo dadka Somaliland ay ka gocanayaan go’aamo badan oo siyaasi ah oo ilaa iyo lixdankii soo taxnaa tanna tii ayuunbayn ka mid tahay oo ah qaladaadka siyaasiga ah ee la galayo in mar walba qayb aanay mudnayn la siiyo mid kale dadka reer Somaliland waxay filayeen in la kordhiyo si ugu yaraan loo gaadho qoondadii ay dadku ku qanci karayeen tiina may dhicin markaa saami qaybsigu waa tabashada ugu wayn ee ay qabaan dadka reer Somaliland mar walba, waxana ay dhibaatadu tahay maadaama dadka halkan joogaa ay u tagan yihiin midnimadii waa inaan dib loo celin oo wixii ay ka goosteen markasta aanay ka caban iminkana xalku waxa weeyaan inay madashu dib u eegis ku samayso kadibna au saxdo saamiqaybsigii”.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland