Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland,ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyay heshiiska Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda DPW ay wada galeen ee Maalgalinta Dekeda Berbera.
heshiiskan oo ay hore mudanayaasha Golaha wakiiladu ku kala aragti duwanaayeen oo ay mudaneyaal badani ka soo hor jeedeen isla markaana ku sheegeen in aanu ahayn nuqulka qoraalka loo soo gudbiyay heshiiskii rasmiga ahaa ee ay Xukuumadda iyo shirkadda reer Imaaraad ee DPW ay wada galeen,ayaan hadan wax caqabad ahi maanta mudanayaasah golaha ka dhex dhicin isla markaana cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay ka dib markii ay mudanaashii dooda maanta ku qornaa ay ka noqden.
hadaba halkan ka daawo.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland